Aragti: Saadaal Ka Bixi Kulanka Finalka Champions League Ee Caawa Dhexmaraya Dortmund Iyo Munich.

Aragti: Saadaal Ka Bixi Kulanka Finalka Champions League Ee Caawa Dhexmaraya Dortmund Iyo Munich.

daajis.com:-Finalka wada Jarmalka ah ee caawa waxa uu soo bandhigayaa inay isku dhici doonaan kooxda dhaqanka soo jireenka leh ee Bayern Munich iyo kooxda casrigaan la jaan qaadeysa ee Borussia Dortmund inay isku arkayaan garoonka Wembley Stadium, waxaana miiska saaran koobka ugu qiimaha badan kooxaha Yurub.

Bayern oo afar jeer hore u soo qaaday Champions League ayaa ah kooxda ugu qanisan uguna guulaha badan Jarmalka, halka kooxda dib u soo kacday ee Borussia Dortmund ay koobkaan ku guuleysatay 1997dii, laakiin halis u gashay inay dhaqaale ahaan burburto 2005tii.
Kooxda Dortmund ee ka dhisan dooxada Ruhr ayaa kubadeeda ay dib u soo kabsatay intii uu macalin u ahaa tababare Jurgen Klopp, iyagoo bilaabay inay awooda Bayern ay ku heysatay Bundesliga dhinac isaga riixaan labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay ka hor inta aysan Munich horyaalka rikoor ku qaadin xilli ciyaareedkan.
Kooxda FC Hollywood lagu naaneeso ee Bayern ayaa sidoo kale dooneysa inay iska tirtirto xusuusta labadii final ee 2010 iyo 2012 oo ay guuldarro ka soo kala gaartay Inter Milan iyo Chelsea.
Hadaba caawa yaa la hoyan doona koobka Champions League? Bayern Munich mise kooxda Borussia Dortmund? Feker ka dhiibo kulankaan xamaasada iyo xiisaha leh ee London ka dhici doona xilli dhow.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada