Fanaanada Caanka ee Najwa Karam oo dib u dhigtay casuumaad uga timid barrnaamijka Arabidol

Fanaanada Caanka ee Najwa Karam oo dib u dhigtay casuumaad uga timid barrnaamijka Arabidol

daajis.com:-Fanaanada Najwa Karam ayaa dib u dhigtay casuumaad uga timid barnaamijka Arabidol qeybtiisa labaad oo lagu casuumay iyadoo arintaasi sabab looga dhigay xaalada caafimaad ee aabaheed oo aad u liidata.


Najwa Karam ayaa laga soo xigtay iney ku jirto marxalad aad u adag maadaama xaalada caafimaad ee aabaheed ay ka sii dareyso,iyadoo arintaasina aad uga murugsan, waxaana la sheegay in fanaanada ay xiriir aad u dhow la leedahay aabaheed, waana qof door aad u weyn ka qaadata nolosha waalidkeed.

Najwa Karam ayaa sanadkii hore lagu casuumay barnaamijka Arabidol qeybtiisii ugu dambeysay, waxaana maamulka Tvga MBC uu sidoo kale weli rajeynayaa in ay ka heesto sanadka qeybaha ugu dambeeyo ee barnaamijkan,haseyeeshee ka soo muuqashada Najwa Karam Arabidol ayaa ku xeran xaalada caafimaad ee aabaheed oo wax iska bedesho.

Najwa karam ayaa sidoo kale ka mid ah gudiga barnaamijka Arabs Got Talent oo laba xilli horey u dhamaaday lana filaayo inuu bilowday kadib barnaamijka Arabidol.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada