daajis.com:-Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in garoonka Magaalada Kismaayo lagu celiyay wafdi wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo uu Hoggaaminaayay Wasiirka Gaashandhiga Xukuumadda Soomaaliya kadib markii ay halkaasi ka degeen.
Sarkaal katirsan Saraakiisha Ciiddamadda Dowladda ee Kismaayo, ayaa waxa uu xaqiijiyay in Garoonka Diyaaradaha Kismaayo lagu celiyay Tiro Diplomaasiyiin oo uu Hoggaaminaayay Wasiirka Gaashaandhiga.
Wafiga wasiirada ah ee garoonka lagu xanibay ayaa waxa ay kala yihiin wasiirka gaashaadhiga C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi,wasiirka wafaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi,iyo Wasiirka Cadaalada,garsoorka iyo oowqaafta C/laahi Abyan Nuur ayaa gaaray magaalada Kismaayo.
Kismaayo ayaa waxaa caadi ka ah in wufuuda dowlada Soomaaliya ka socoto lagu xanibo garoonka diyaaradaha iyada oo lagu andacoonayo in amaankooda aan ladamaanad qaadi Karin.
Inta badan Magaallada Kismaayo ayaa waxaa hadda ka socda Banaanbax lagu aadiyay Socdaalka Wafdiga Dowladda Somalia, waxaana iminka kacsan Xaallada Kismaayo.
Si kastaba ha ahaatee, Kismaayo ayaa maalmahan waxaa ka taagan xasarad dhanka siyaasada ah maadaama Dowladda Soomaaliya ay si adag ugu soo horjeedo maamulka Jubbaland ee laga dhawaaqay Magaalada Kismaayo.
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:12 and have
, Published at