Arjen Robben Oo Bayer Ku Hogaamiyay Hanashada Champions League Ka Dib Guul Ay Ka Gaareen Dortmund.

Arjen Robben Oo Bayer Ku Hogaamiyay Hanashada Champions League Ka Dib Guul Ay Ka Gaareen Dortmund.

daajis.com:-Gool soo daahay uu dhaliyay Arjen Robben ayaa Bayern Munich ku hogaamiyay hanashada Champions League markii shanaad ka dib markii ay 2-1 kaga takhaluseen kooxda kale ee Jarmalka ee Borussia Dortmund ciyaar xiiso badneyd oo ka dhacday Wembley Stadium.

Dortmund ayaana ciyaarta ku bilaabatay si ka fiican dhigooda Bayern Munich, iyagoo helay fursadii ugu horeysay ee ciyaarta daqiiqadii 14aad markii Lewandowski uu kubad ku helay meel waxoogaa u jirta goolka islamarkaana kubad gantaal aheyn ku abaaray goolka Bayern laakiin Neur ayaa kooner u saaray.
Koonerkii la soo tuuray ayaana Dortmund ay sidoo kale fursad halis ah ku abuurtay iyadoo Neuer uu kubad ka badbaadiyay Kuba.
Daqiiqadii 19aad ayaa Dortmund ay heshay fursad kale oo halis ah, Reus ayaa kubad ka soo qaaday khadka dhexe isagoo si xor ah ku soo galay geesta xerada ganaaxa, waxaana darbo u dhiibay goolka Bayern laakiin waxaa si fantastik ah kaga badbaadiyay Neuer.
Kooxda midabka Jaalaha iyo madowga ku ciyaarta ayaa mar kale aheyd mid halis ku ah goolka Bayern daqiiqadii 22aad ee ciyaarta, Bender ayaa kubada ku helay xerada goolka dhexdeeda, waxaana kubada ka darbeeyay lugaha labo daafac oo Bayern dhexdooda ah, laakiin waxaa badbaadin fiican sameeyay Neuer.
Bayern Munich ayaa fursadeedii ugu horeysay ee ciyaarta ay soo martay daqiiqadii 27aad ee ciyaarta iyadoo Martinez oo helay karoos wacan uu madax ku abaaray goolka, goolka Weidenfeller ayaa faro cididood ku taabtay ka hor inta aysan birta kore ku dhicin islamarkaana banaanka u bixin.
Seddex daqiiqo ka dib ayaa Bayern waxaa fursad dahabi ah ka qasaariyay Robben kaasoo kubad dhex bixis fiican helay islamarkaana kubada la kortagay goolhaye Weidenfeller, laakiin goolhayaha Dortmund ayaa si rafaan ah uga bixiyay kubada, iyadoo Robben saaxabadiis ay ka caroodeen inuusan kubada iyaga u dhigin madaama ay goolka u furnaayeen.
Daqiiqadii 35aad ayaa Neuer mar kale sameeyay badbaadin cajiib ah, iyadoo Lewandowski uu ka baxsaday ciyaaryahankii raacayay islamarkana uu galay xerada goolka, waxaana uu u baahnaa inuu xagal adag ka toogto goolka laakiin waa uu dhaqsan waayay taasoo keentay inuu ka faa’ideysto goolhaye Neuer.
Isla daqiiqadii ku xigtay waxaa fursad isna helay Robben mar kale, waxaa kubad u dhiibay Muller isagoo ku jira xerada goolka, laakiin cadaadis kaga yimid Subotic kubada uu ka faa’ideysan waayay kaliyana waxa uu helay kooner, taasoo neef weyn ka soo fujisay taageerayaasha Dortmund.
Labo daqiiqo marka ay harsan tahay qeybta hore ayaa Robben uu mar kale qasaariyay fursad kale, waxaa kubad dheer oo loo soo dhigay uu kula dagaalamay Hummels isagoo markii danbe ku guuleystay inuu ku helo goolka hortiisa, laakiin darbadii uu la damacsanaa goolka waxa uu wajiga kaga dhuftay goolhaye Weidenfeller taaasoo kubada badbaadisay.

Qeybtii hore ee ciyaarta oo bilowgii ay heysatay Dortmund islamarkaana qeybihii danbe ay Bayern Munich la wareegtay ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.
Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaana ku bilaabatay si isku dheelitiran, iyadoo fursadii ugu fiicneyd ee ugu horeysay ay ku dhacday madaxa Mandzukic laakiin goolhayaha Dortmund ayaa si raaxo leh isagu duubay daqiiqadii 58aad ee ciyaarta.
Saacad markii ay u buuxsantay ciyaarta ayaana Bayern Munich ay u suurtogashay inay hogaanka u qabato ciyaarta, Ribery oo dhanka bidix ka soo galay xerada goolka ayaa kubad u dhigay Robben kaasoo isna kubad ka soo dhigay xariiqda bidix isagoo soo hormariyay goolka waxaana shabaqa ku taabtay Mandzukic oo diyaar u ahaa.
Waxaana ay taasi ciyaarta ka dhigtay inay Bayern Munich hogaanka ku qabato 1-0, islamarkaana ay aamusiyaan taageerayaasha Dortmund oo inta badan sawaxan ku heystay Wembley.
Mandzukic ayaana ciyaaryahankii labaad ee Croatia ah ee gool ka dhaliya final koob Europe ah. Boban ayaa gool u dhaliyay AC Milan 1995tii European Super Cup.
Daqiiqadii 69aad ayaana Dortmund ay u suurtogashay inay barbareyso ciyaarta markii Dante uu qalad xun diilinta ganaaxa dhexdeeda kula galay Reus taasoo keentay in garsooraha Talyaaniga uu tilmaamo rigoore.
Gundogan ayaa u soo istaagay gool ku laadka isagoo dhinac isaga diray Neuer islamarkana si habsami leh kubada ugu hubsaday shabaqa ciyaartana ka dhigay barbaro 1-1 ah.
Daqiiqadii 72aad ayaana Bayern ay u dhawaatay inay hogaanka ku soo laabato ka dib markii ay counter-attack fiican soo qaadeen, Thomas Muller ayaa kubad loogu dhiiba xerada ganaaxa dhexdeeda, waxaana uu soo dhigay baas qatar ah oo soo hareermaray goolhayaha Dortmund, Robben ayaa u dhawaa inuu shabaqa uun ku taabto laakiin Subotic ayaa kubada ka badbaadiyay xariiqda goosha oo banaanka u saaray.
Seddex daqiiqo ka dib Alaba ayaa meel 20 yard u jirta goolka ka soo tuuray kubad gantaal aheyd, laakiin waxaa u babacdhigay oo celiyay goolhaye Roman Weidenfeller.
Weidenfeller ayaa fursad kale oo halis aheyd ka badbaadiyay Schweinsteiger kaasoo kubad aad u xoogan afka hore ee xerada goolka ka tuuray.
Ciyaarta oo labo daqiiqo dhiman ayaana Bayern Munich ay heshay goolkii guusha taasoo gacanta u gelisay koobka Champions League, ka dib markii kubad dheer oo la soo dhigay uu Ribery cirib ugu dhigay Arjen Robben kaasoo isna dabamariyay goolhayaha Dortmund ciyaartana ka dhigtay 2-1.
Goolkaas uu dhaliyay xiddiga reer Holland ayaana Bayern Munich gacanta u gelisay koobka Champions League markii shanaad ee taariikhdooda, waxaana ay barbareeyeen kooxda seddexda ee ugu guulaha badan koobkaan Liverpool oo iyadana shan Champions League heysata.
Bayern Munich ayaana ka soo kabsatay labo final oo laga qaaday 2010 iyo 2012, waxaana ay si taariikhi ah ku qaadeen xilli ciyaareedkan koobka Champions League iyagoo ka qaaday kooxda sida lama filaanka ah ku timid Borussia Dortmund.
Waa koobkii labaad ee Bayern Munich ay qaado xilli ciyaareedkan ka dib Bundesliga, waxaana ay qaadi karaan seddexda koob madaama ay joogaan finalka German Cup.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com








Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada