Barack Obama oo Qalad Dhinaca baratakoolka labo mar ka galay Askari katirsan Ciidanka Badda(Daawo Sawirada)

Barack Obama oo Qalad Dhinaca baratakoolka labo mar ka galay Askari katirsan Ciidanka Badda(Daawo Sawirada)

daajis.com:-Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa mar labaad khalad, dhinaca baratakoolka ah ka galay, askari ka tirsan ciidamada bada ee dalka Maraykanka, kaas oo wakhti uu madaxweynuhu ku safrayay diyaaradiisa qumaatiga u kacda uu la dhaafay inuu ka dareen celiyo salaantii uu siiyay askarigaasi, hasa yeeshee isaga oo aan wali fadhiisan uu deg deg uga soo degay salaanka diyaarada, ka dibna raali galin siiyay askarigaaas.

Askarigan ayaa warbaahintu hore u sawirtay todobaadkii hore mar uu madaxweyne Obama u hayay dalad uu roobka ugu dhigay, oo Obama si aan anshaxa waafaqsanayn uu ula dhaqmay ama iska dhego maray inuu xaqdhowro dareenka askariga, wakhtigaas oo shir saxaafadeed ay wada jir u qabanayeen, Raysal Wasaaraha Turkiga Rejab Dayib Ordogan.

W/Q. Faysal Maxamed Xasan

Xigasho:allbanaadir_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com








Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada