Neymar Oo Diiday Real Madrid Si Rasmi Ahna Ugu Biiray Kooxda Barcelona

Neymar Oo Diiday Real Madrid Si Rasmi Ahna Ugu Biiray Kooxda Barcelona

daajis.com:-Sedex sano ka dib i jeed aan ku jeedee lag jiray kooxda Barcelona ayaa ku guuleysatay saxiixa xiddiga kooxda Santos ee Neymar iyadoo ka bilaabata xilli ciyaareedka dambe Neymar yahay xidig ka tirsan Barca.

Website-kooda ayay Barcelona soo dhigeen warka ah in ugu dambeyn ay ku guuleysteen saxiixa laacibkaasi oo loolan adag ay kala kulmayeen kooxda Real Madrid .
Laacibkaas 21-sano jirka ayaa lagu wadaa in uu saxiixo hishiis gaarsiisan 5-sano , waxaana warka ku aadan hishiiskaas ay labada koox shaacinayaan saacadaha soo socda iyaga oo qabanaya shir jaraa`id .
Waxa sidaan ku soo dhamaaday musasalkii sheekada Neymar oo marba koox lala xariirinayay , waxana xusid mudan in Santos ay ku qanceen labada dalab ee Real iyo Barcelona go`aankana laga sugayay Neymar oo ugu dambeyntii door biday Barcelona .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada