Shabaab oo sheegtay in ay gudaha Kenya ka soo qafaasheen askar Keentaati ah dhawaanna ay soo bandhigi doonaan.

Shabaab oo sheegtay in ay gudaha Kenya ka soo qafaasheen askar Keentaati ah dhawaanna ay soo bandhigi doonaan.

daajis.com:-Mid kamid ah saraakiisha Shabaabka u qaabishan dhanka war-baahinta oo la hadlay war-sidayaasha afka Shabaabka wax kuu baahiya ayaa waxa uu daaha ka rogay in habeenkii xalay haa weeerar ku qaadeen saldhig maleteriga Kenya ku leeyihiin gudaha dalkasi ayna ka geesteen qasaara xooggan ugu danbeynna ay askar ka soo qafaasheen


“7-da askari ayaan ku dilanay tira kalana waan ku soo qafaalanay weerar Mujaahidiintu xalay saqdii dhexe ay ku qaadeeen Ciidanka Kenya ee deegaanka Dhamajaaleey oo qiyaastii 40 KM ka baxsan xad beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Jubbada Hoose”, sidaas sarkaalnak ayaa shegtay.

Waxa u intaa sii raaciyay in dhawaan ay soo bandhigi donaan ciidanka ay soo qafasheen, inkasta oo Sheegashada Shabaabka aysan ka hadlin dowlada Kenya.

Shabaabka ayaa inta badan waxa ay sheegtaan in ay fuliyeen weerarro ay dhibaato ku gaarsiiyaan dhinacyada ay dagaalka kulaa jiraan, iyada oo sheegashadaan ay kamid tahay kuwii ugu qatarsanaa taariikhda dhaw.

Horay ayaa Shabaabku waxa ay u dileen askari Kenyaati ah oo in badan ay hayeen kadib markii gor-gortan ay dowlada Kenya la galeen uu socan waayay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada