Baarlamaanka Soomaaliya oo saaka shir ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka

Baarlamaanka Soomaaliya oo saaka shir ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka

daajis.com:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka oo Arbaco ah taariikhduna tahay 15-May shir ku leh xarunta Golaha shacabka, iyadoo kulanka saaka looga hadli doonoajandayaal dhowr ah.

Mudanayaasha Baarlamaanka oo maalmihii u dambeeyay Muqdisho ka waday mooshin ka dhan ah Xukuumada ayaa lagu wargeliyay inay kulanka ka soo qeyb galaan, iyagoo fariimo qoraaleed SMS loogu sheegay.


Kulanka baarlamaanka ayaa ugu horeyn waxaa warbixin looga dhageysanayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo dhowaan safaro ku tagay dalka Turkiga.

Lama oga in kulanka maanta looga doodi doono mooshinka iyo in kale, inkastoo la sheegayo in aanay ajandaha ku jirin, balse Gudoonka baarlamaanka shalay loo gudbiyo, lagana yaabo inuu u yeero Xukuumada si maalmaha soo socda u hortimaado.

Mooshinka laga keenay Xukuumada ayaa waxaa shalay gudbiyay in ka badan lixdameeyo Xildhibaan, iyadoo ay jiraan xildhibaano diidan mooshinkan, ayna keeni karto in baarlamaanka uu ku kala qeybsamo.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada