War Deg deg ah: Mid kamid ah ilaalaada xarumaha Xawaaladaha dalka oo askari dowladeed dilay iyo dowlada oo ugu danbeyn shaqaalihii xaruntaasi xabsi dhigtay.

War Deg deg ah: Mid kamid ah ilaalaada xarumaha Xawaaladaha dalka oo askari dowladeed dilay iyo dowlada oo ugu danbeyn shaqaalihii xaruntaasi xabsi dhigtay.

daajis.com:-Ilaalada xarun ay Suuqa Bakaaraha ku leedahay Xawaalada Dahabshiil ayaa waxa ay toogteen mid ka mid ah Askarta ilaalada ka ahaa Suuqaasi arintas oo dhalisay dagaal kooban oo halkaasi ku dhex maray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ilaaladii xarunta.


Goob-joogayaasha ayaa waxa ay ku waramayaan in kadib dilka askariga ay bilabatay rasaasta oo sababatay in dhamaan ilaaladii xarunta ay daaqadaha xarunta xabado ka soo ridaan suuqana lagu kala cararo.

Waxaa intaa wararku ku darayaan in askariga ay u dileen shaki soo kala dhecx galay kadib markii ay u qaateen in uu ahaa burcad doonayay in uu boobo, inkasta oo arintaasi aan xaqiiqo loo heyn.

Dagaalka oo in muda ah socday kadib ayaa goobta waxaa gaaray ciidamo dheeraad ah iyo gudoomiyaha degmada Howl-wadaag, Maxamed Abuukar Cali Jacfar, iyada oo ugu danbeyn ay is-dhiibeen shaqaalihii xarunta.

Xarunta ayaa hada si ku meel gaar ah loo xiray iyada oo dhamaan shaqaalihii xabsiga loo taxaabay sida ay sheegayaan wararka hor dhaca ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada