Aktarada caanka ee Hollywood Angelina Jolie oo iska saartay Labadeeda Naas

Aktarada caanka ee Hollywood Angelina Jolie oo iska saartay Labadeeda Naas

daajis.com:-Aktarada caanka ah ee jisha Filimaanta Hollywood-ka ayaa iska saartay labadeeda Naas, kadib markii la ogaaday in naasaheeda ay qatar ugu jiraan inuu ku dhaco cudurka Kansarka ee naasaha ku dhaca.

Ms Jolie oo 37-jir ayaa go’aankan qaadatay, iyadoo muddo sadex bil qaliin soo socday oo bilowday bishii febraayo ilaa dhamaadkii April in labadeeda naas laga saaro.

Dhaqaatiirteeda ayaa u sheegay in 87% ay halis ugu jirto in kansarka naasaha ku dhaco, waxaana ay sheegtay inay go’aankan u qaadatay si ay nafteeda u bad baadiso.

Angelina Jolie ayaa heysata lix caruur ah, saddex ay dhashay iyo saddex ay soo korsatay, waxaana tallaabadan soo dhoweeyay seygeeda aktarka ah Brad Pitt.

Aktaradan ayaa ku caan ah jilida Filimaanta Mareykanka ee Hollywood, kuwooda ugu qatarsan ee loo yaqaano Filimada Akshanka.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada