Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo Dhac iyo Boob Xoogan ka geesta Xaafado katirsan Magaalada Muqdisho

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo Dhac iyo Boob Xoogan ka geesta Xaafado katirsan Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Waxaa sii kordhaya Boobka iyo Dhaca ee Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya ka geestaan Xaafado katirsan Magaalada Muqdisho, iyadoona Shacabka ku dhaqan goobaha ee dhaca ka geestaan Ciidanka Dowlada ee arintaasi qaati bilaahi ka taagan yihiin.

Goobaha ugu daran ee Ciidamada Milatariga diirada saareen Dhacana ka geestaan ayaa kamid ah Xaafado katirsan Degmada Dayniile halkaaas oo xiliyada habeenkii ee Ciidamadan si dhuumaaleesi ah kusoo galaan waxii ay arkaana dhacaan.

Goobaha ugu daran ee Ciidamadan Milatariga Dareeskooda wata dhaca ka geestaan ayaa ah Xaafadaha Raadeelka iyo Gubta halkaas oo hada cabsi badan ee ka jirto inta badana la xiro goobaha ganacsi waxii ka dambeeya Salaada Maqrib cabsi dhac darted.

Habeenkii xalay ayaa ugu dambeesay Dhac baahsan ee ka geeteen Xaafada Raadeelka Dukaamo kuyaala Ciidamo kulabisan Dareeska Ciidanka Milatariga oo la rumeesan yahay in ee kasoo baxeen Xero ciidan oo lagu Magacaabo Tolmada oo katirsan Degmada Hodan .

Ciidamadan ayaana dhacay ilaa labo Dukaamo waxa eena ka qaateen lacago badan oo yaalay iyo sidoo kale Moobilo ee dad Dukaamadaasi u geesteen in jaajar loo galiyo , waxaa sidoo kale Ragan Burcadka ah ee wata Dareeska Ciidanka ee dhac saf mar ah u geesteen qof alaale qofkii kazoo hor baxa xiliga ee dhaca wadeen waxa eena ka qaateen Meebeel iyo alaabo kala duwan

Shacabka ku dhaqan Degmada Dayniile ayaa aad uga walaacsan Dhibkan ee ku hayaan Raga wata Dareeska Ciidanka Milatariga Soomaaliya , waxa eena ugu baaqeen Maamulka Cusub ee Degmada Dayniile in ee arintan si deg deg ah wax uga qabtaan ayna ka hortagana kooxahan cadeestay in ee dhaca iyo boobka ka geestaan xaafado kamid ah Degmada Dayniile.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada