Bayern Oo Maanta Koobka Bundesliga La Gudoonsiin Doono Iyagoo Dhaqanka Bavarian Ku Dabaaldegi Doona.

Bayern Oo Maanta Koobka Bundesliga La Gudoonsiin Doono Iyagoo Dhaqanka Bavarian Ku Dabaaldegi Doona.

daajis.com:-Kooxda finalka ka joogta Champions League ee Bayern Munich ayaa ugu baaqday taageerayaasheeda inay soo xirtaan dharka dhaqanka Bavarian si ay qeyb uga noqto xaflada dabaaldega koobka Bundesliga oo maanta la guudoonsiinayo, iyadoo 22 ciyaaryahan oo hore lagu soo wareejin bas afka ka furan.

Bayaren Munich ayaa qaadi koobkeedii 22aad ee Bundesliga ka dib kulanka ay minankooda maanta kula ciyaarayaan Augsburg iyagoo koobka hore u xaqiijistay isbuucyo ka hor.
“Waxaan nahay Bavarian” ayaa ah hal ku dhiga dabaaldageena, waxaana ugu baaqeynaa taageerayaasheena inay soo xirtaan tracht (dharka hidaha iyo dhaqanka Bavarian)” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay kooxda.
Xaflada dabaaldega ayaa waxa ay maanta ka dhici doonta bartamaha Munich ciyaarta ka dib, iyadoo ciyaartoyda ay soo qaadan doonaan gawaaridooda yaryar ee dusha ka furan halka bas isna dusha ka furan la soo saari doonin 22 xiddig oo hore u soo martay Bayren oo ay ku jiraan Gerd Mueller, Franz Beckenbauer, Lothar Matthaeus, Paul Breitner, Oliver Kahn iyo Bixente Lizarazu.
Bayern, oo finalkii Champions League looga qaaday xillo ciyaareedkii hore garoonkooda, ayaa raadineysa inay ka soo kabsato xilli ciyaareedkan islamarkaana ay noqoto kooxdii ugu horeysay ee Jarmalka ee isku haada, horyaalka, koobka German Cup iyo Champions League.
Waxa ay soo jabiyeen rikooro badan intii ay ku soo jireen wadadaii ay ku qaadayeen horyaalkaan, waxaana ay wajihi doonaan Borussia Dortmund finalka Champions League 25ka May ka hor inta inta ay Stuttgart kula kulmin finalka German Cup 1da bisha June.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada