Wafdi xaqiiq raadin oo ka socda IGAD ayaa todobaadka soo socda tagaya Kismaayo

Wafdi xaqiiq raadin oo ka socda IGAD ayaa todobaadka soo socda tagaya Kismaayo

daajis.com:-Wafdi xaqiiq raadin oo ka socda urur goboleedka IGAD ayaa todobaadka soo socda tagi doona magaalada Kismaayo, si ay u soo indheeyaan xaalada guud ee magaalada.

Sida ay sheegayaan wararka wafdigan oo uu hogaaminayo Xoghayaha guud ee IGAD Maxbuub Macalin ayaa la sheegay inay la kulmi doonaan maamulka KMG Kismaayo, iyagoo kala hadli doona arrimaha shirka maamul u sameynta Kismaayo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si aad ah uga soo horjeeda shirka Kismaayo ka socda ee maamulka loogu sameynayo, iyadoo ku tilmaamtay inuu yahay shir aanay waafaqsaneyn dastuurka, habka loo wadana aanay raali ka aheyn.

Shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee ay yeesheen Wasiirada Arrimaha dibada IGAD ayaa looga hadlay qorshaha xasilinta iyo maamul u sameynta gobolada dalka, iyadoo dowladda Soomaaliya ku adkeysaneysa inay loo madax banaaneeyo maamul u sameynta.

Hindisaha dowladda Soomaaliya horgeysay shirka ayaa ahaa in maamulada loo sameynayo deegaanadaas ay ka yimaadaan dadka deegaanka, oo soo doorta hogaan ay raali ka yihiin.



Wafdigan ka socda IGAD ayaa waxyaabaha ay kala soo kulmaan tagistooda Kismaayo u gudbinaya shirka Madaxweynayaasha IGAD oo dhowaan ku yeelan doona magaalada Addis Ababa.

Dowladda Kenya oo ciidamadeeda qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa taageereysa dhismaha maamul goboleedka Jubaland oo qorshihiisa haatan gabo gabo marayo.

Shirweynaha maamul u sameynta Jubooyinka ayaa maalmihii u dambeeyay galayay marxalado kala duwan, waxaana horay shirka u qaadacay siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda deegaanada jubooyinka oo ku tilmaamay in shirka hal dhinac u socdo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada