Boliska Britain oo digniin adag u diray Dumarka Xijaabka wata (Waa maxay sababta)

Boliska Britain oo digniin adag u diray Dumarka Xijaabka wata (Waa maxay sababta)

daajis.com:-Kooxda xagjirka ah ee u dhisan necaybka muslimiinta ah iyo in dadka islaamka ah laga saaro dalka ingiriiska ee la yidhaahdo EDL (English Defence League) ayaa banaanbax rabshado wata waxay ka dhigeen magaalada Newcastle ee waqooyiga dalka ingiriiska kooxdani oo ku dhawaaqday in lala diriro dadka muslimiinta ah iyagoo aaminsan in diinta islaamku ku fidayso dalka ingiriiska.

Sida machadka diimaha iyo is dhaxgalka dhaqanka ee Britain ayaa shaaciyey necaybka dadka muslimiinta ah loo qabo ayaa toban jeer kor u kacday iyadoo 48 kii saacadood ee la soo dhaafayna dadka muslimiinta ah iyo goobaha u muhiimka ah sida masaajidada iyo guryo lagu qaaday weeraro tiradoodu ay kor u dhaafeen 148 kiis.

Booliiska ayaa uga digay dadka muslimiinta ahi inay taxadaraan gaar ahaana dumarka xijaabka xiran oo kooxaha midigta ee xagjirka ah sida EDL iyo BNP ay waxyeelo u gaysan karaan.

Ha'yadda u qaabilsan diimaha Britain waxay warbixinta ay shaaciyeen ku sheegeen in falalkani 148 kor u dhaafay ay iskugu jiraan weeraro lagu qaaday haween muslimiin ah oo xajibaakii ay xiraayeen lagu dul googooyay, masaajido la weeraray oo qaarkood dab lagu gubay, guryo dad degenyahiin oo la weeraray, goobaha xarumaha muslimiinta ah ay ku leeyahiin oo iyagana la weeraray.

Falalkani ayaa dhacaya ka dib markii dhawaan laba nin oo la sheegay inay ahaayeen niman soo muslimay tobaneeyo sanno ka hor ay weerar waxshinimo ah ku dileen Askari ka tirsana ciidamadda militeryga Britain oo la oran jiray Lee Rigby taasi oo kicisay xasaasiyad aad u weyn iyo necayb ay kooxaha xagjirka ahi ku qaadaan dadka muslimiinta ah ee Britain.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada