Daawo Muuqaal ahaan ''Wiilkii Soomaaliga ahaa ee laayay Qoys Cali Beesteen ah ay ku jirtay Xaaskiisa oo maxkamadda xakuntay!!

Daawo Muuqaal ahaan ''Wiilkii Soomaaliga ahaa ee laayay Qoys Cali Beesteen ah ay ku jirtay Xaaskiisa oo maxkamadda xakuntay!!

daajis.com:-Maxkamad ku taal dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay xukun ku riday nin Soomaali ah oo ku eedeysnaa inuu xasuuq u geystay qoys u dhashay dalka Mareykanka. 



Soomaaligaan oo lagu magacaabo Cumar Maxamed Kalmio oo ah nin 28 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inay maxkamad ku taala magaalada Minot, North Dakota ee dalkaas Mareykanka ay ku xukuntay xabsi daa'in ka dib markii ay ku caaadatay inuu horaantii sanadkii 2011 uu magaalada Minot, North Dakota uu ku dilay oo uu toogtey haweeney ay saaxiibo ahaayeen islamarkaana u dhashay gabar oo lagu magacaabi jirey Sabrina Zephier oo 19 sano jir ahayd, iyo inuu sidoo kale uu geystay dilka oo uuna toogasho ku dilay wiil la dhashay gabadhaas uu dilay oo lagu magacaabi jirey Dylan Zephier oo 13 sano jir ahaa islamarkaana uu sidoo kale uu dilay gabahdaas hooyadeed Jolene Zephier oo 38 sano jir ahayd iyo waliba hooyada nin ay saaxiibo ahaayeen oo asagana lagu magacaabi jirey Jeremy Longie oo 22 sano jir ahaa iyadoona uu dilalkaan uu ninkaasi ka geystay maalin qura magaalada Minot ee dalkaas Mareykanka laba guri oo kala duwan asagoona 3 qofood ku dilay hal guri ka dibna haweeneyda u dhashay gabadhaasna uu dilay xilli ay goobta ku sugneyd gabadhiisa laakiinse aanu waxba gaarsiin gabadhiisa yar. 

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaan Soomaaliga ah ay ku cadaatey dambigaas ayaanay maxkamau ku qaadan waqti badan inay ku dhawaaqdo xukunkeeda, ayaa xaakinka maxkamadaas qaadaayey Douglas Mattson waxaa uu goobta ka sheegay inuu Soomaaligaas uu dilay gabadha lagu magacaabi jjirey Sabrina Zephier, walaalkeed, iyo hooyadeed iyo waliba saaxiibka hooyadeed asagoona sheegay inuusan ninkaas wax rajo ah ka lahayn in waqti hare la sii daayo ninkaan Soomaaliga ah oo horey uga caan ahaa dambiyo uu galay aya waxaa uu ka mid ahaa shaqaalaha ceelasha shidaalka ee North Dakota asagoona dalkaas Mareykanka ku yimid qaxootinimo. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada