Daawo Sawirada Hormuud telecom foundation oo shaqo abuuris u sameysay Qaar ka mid ah naafada ku nool muqdisho.

Daawo Sawirada Hormuud telecom foundation oo shaqo abuuris u sameysay Qaar ka mid ah naafada ku nool muqdisho.

daajis.com:-Hay’ada Hormuud Telrcom Foundation ayaa maanta fulisay mashruucii labaad moddo 5 maalmood gudohood ah, kaasoo shaqo loogu abuurayo qaar kamid ah dadka naafada ah ee ku nool magaalada muqdisho.

Mashruuca maanta ay fulisay Hay’ada Hormuud Telecom Foundation ayaa waxaa ka faa’iideystay 20 Qofood oo naafada garguurata ah.

Gudoomiyaha Hey’ada C/laahi Nuur Cusmaan oo ka hadlayay munaasabadda ayaa sheegay in mashruucani yahay kii labaad mudo 5 maalmood ah oo ay hay’adu jirto isagoo xusay in mashruucii ugu horeyay ay ka faa’iideysteen haween danyar oo sidaan oo kale Hay’addu shaqo ugu abuurtay.

Mr. Nuur ayaa dhanka kale xusay in Hay’addoodu ay dhawaan hirgelin doonto Isbitaal cusub (Dialysis Canter) oo kilyaha loogu sifeyn doono dadka ay kilyuhu fariisteen.

“dadka kelyuhu fadhiisteen waxaa u keenay qalab lagu sifeeyo si lacag la’aan ayaana ugu adeegi doona madaama Hormuud Telecom Foundation u taagan tahay inay wax ka qabato hadba baahiyaha bulshada wixii karaankeeda ah” ayuu yiri C/laahi Nuur Cusmaan oo warkiisa ku soo xirey “qof kasta oo isticmaala isgaarsiinta hurmuud wuxuu qeyb ka yahay cawimaada dadka tabaaleysan”.

Munaasabaddan shaqooyinka loogu abuurayey Dadka naafada ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay Marti sharaf badan oo kakala socday Ururrada Bulshada Rayidka, Isbitaalada qaar & Hay’adaha Gargaarka, waxaana dhammaan dadkii ka hadlay munaasabadda ay u mahad celiyeen hey’adda Hormuud Telecom Foundation & Shirkadda Hormuud Telecom oo dhinaca dhaqaalaha ka saacideysa hey’aaddan.

waa mashruucii labaad oo ay hay’addu fuliso muddo 5 maalin guduhood ah tan iyo markii la’aasaay 25-kii Bishan May.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com






















Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada