Daawo Sawirada:Michael Adelbalajo oo ka dambeeyay Dhacdadii Woolwich ee Magaalada London oo 2- sano kahor Kenya lagu xiray

Daawo Sawirada:Michael Adelbalajo oo ka dambeeyay Dhacdadii Woolwich ee Magaalada London oo 2- sano kahor Kenya lagu xiray

daajis.com:-Waxaa lasoo bandhigay Muuqaalka Michael Adelbalajo oo kamid ahaa labadii nin ee todobaadkii tagay askari katirsanaa Ciidanka Milatariga Ingiriiska ku gowrcay Xaafada Woolwich ee Magaalada London isagoo saaran maxkamad ku taala Dalka Kenya.

Boniface Mwaniki Madaxa ciidamada booliska ee la dagaalanka Argagixisada dalka Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in Michael Adelbalajo iyo rag kale oo lala xariiriyay Falal Argagaxiso ay ku qabteen Dalka Kenya November 2010-kii.

Michael Adelbalajo oo horey u Ahaa Nin krishtaan ah balse qaatay Diinta Islaamka ayaa xiligii Kenya lagu xirayay isaga iyo rag kale waxa ee kusugnaayeen Xadka Kenya Soomaaliya la wadaago waxa eena qorsheenayeen in Al-Shabaab ku biiraan.

Maxakmad kutaala Magaalada Mombasa ayaa ninkan iyo rag kale 23-kii November ee sanadkii 2010 kasoo muuqdeen, waxa uuna Ninkan beeniyay falka isaga lagu eedeeyay uu ku tilmaamay mid been ah.

Ciidamada amaanka Dalka Kenya ayaa six un u jirdilay Michael Adelbalajo kahor inta aysan ku wareejin Ciidanka Sirdoonka Ingiriiska oo dib ugu celiyay dalka Ingiriiska kana codsady ninkan in uu la shaqeeyo balse marar badan uu ka diiday uuna aad u dhibsaday arinka wada shaqeynta sirdoonka Ingiriiska.

Sawiro kale oo lasoo bandhigay ayaa muujinaya ninkan dhawaan Dilka ka geestya Xaafada Woolwich oo ka qeyb qaadanaya dibad bax ee London ka dhigeen Dad Muslimiin ah sanadii 2007-dii kuwaa oo ka cabanayay dad muslimiin ah oo loo xiray tuhun la xariiro argagaxiso.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com





Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada