Daawo Sawiro Dheeraad ah oo kuu Saabsan Shirkii London oo Socda iyo Madaxweynaha oo shir-gudoominaya Shirkaas!!

Daawo Sawiro Dheeraad ah oo kuu Saabsan Shirkii London oo Socda iyo Madaxweynaha oo shir-gudoominaya Shirkaas!!

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Mudane David Cameron ayaa si wadajir ah u furay una wada hoggaaminaya shirka London.

Ra’iisul Wasaare David Cameron ayaa ku ammaanay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka baaxadda leh ee ay ka gaartay dhinacyo badan, sheegeyna inay weli jiraan caqabado farabadan oo u baahan in caalamku uu ka saacido Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad taariikhi ah ku furay shirka London oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan 54 dal iyo hay’adaha caalamiga ah oo ay ku jireen Madaxweynayaal iyo Ra’iisul Wasaareyaal ayaa u mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Britain iyo doorkiisa saliimka ah ee uu markii labaad shir Soomaaliyeed ku qabto London labo sano gudahooda.

Madaxweynahu waxuu yiri “ Waxaa laga yaabaa in dadku is weydiiyo maxaa Soomaaliya waqtigan loo saacidayaa? Wallow ay jiraan horumar baaxad leh, haddana weli waxaa taagan caqabado fara badan oo u baahan in laga saacido shacabka Soomaaliyeed.” 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com












Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada