Dhalinyarada magaalada Muqdisho oo la xaqiijiyay inay kala Caqli badan yihiin , Waa maxay sababta ? (Akhri Cadeeynta) !!

Dhalinyarada magaalada Muqdisho oo la xaqiijiyay inay kala Caqli badan yihiin , Waa maxay sababta ? (Akhri Cadeeynta) !!

daajis.com:-Dhalalinyarada ku dhalatay kuna soo bar baartay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa la xaqiijiyay inay kala caqli badan yihiin waliba ku kala horeeyaan dhanka ogaanshaha fikirka dhaw.

Dhalinyarada Caqliga badan ayaa maalmahaan dambe waxa ay ganacsiyo kala duwan ka bilaabeen guud ahaan magaalada Muqdisho kuwaas oo aanan marnaba ka qeeyb qaadan Dagaaladii ahliga ahaa ee inta badan ka dhici jiray magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradaan oo inta badan Xariifiin ah marka ay Xabada bilaabato ama magaalada uu ka socday dagaalkii kululaa waxa ay intooda badan u kala hayaameen gobolada Nabada ah ee dalka Soomaaliya iyo waliba dalalka dariska la ah Somalia sida wadamada Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti iwm.

Dhalinyaradaan oo reer magaal lagu sheegay uma dagaalamaan kooxaha is diidan dhanka Siyaasada waxeeyna taas badalkeeda doorteen inay ka fiirsadaan indhaha waxyaabaha dhacaya iyo xaalka halka uu marayo.

Dhanka kale dhalinyarada dhanka Maskax ahaanta laga caqliga badan yahay waa kuwa ka qeeyb qaata dagaalada, kuwaas oo qaarkood xubnaha jirkooda sida Lugaha iyo gacmaha ku waayay iyaga oo ilaa hada ka shalaayo sababihii ay Lugaha & gacmaha uga go´een maadaama Siyaasada Soomaaliya ay tahay " Kuwii shalay is dagaalayay oo maanta is raacsan & kuwii shalay isla jiray oo maanta Xabad isku sita "

Siyaasada ka jirta dalka Soomaliya ayaa waxa ay ahaan jirtay Qandaraas ka yimaada Dibadaha inkastoo iminka dadka intiisa badan ay Nabad doonayaan, waxeeyna dhagaha ka fureeysteen kuwa weli la soo taagan dagaalada iyo Qaraxyada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada