Taageerayaasha Al-islaax & Dam-jadiid oo Dagaal dhanka Warbaahinta ah ka dhax bilaawday(War wadaadada maxaa isku kiciyay)

Taageerayaasha Al-islaax & Dam-jadiid oo Dagaal dhanka Warbaahinta ah ka dhax bilaawday(War wadaadada maxaa isku kiciyay)

daajis.com:-Maalmihii ugu danbeeyay waxaa hawada maqaalo kul kulul isku marsiinayay warbahinta ay kala adeegsadaan Xarakada Al-islaax iyo xisbiga haya talada wadanka Soomaaliya ee Dam-jadiid.

Shabakada Somaliatoday oo iyada ku hadasha afka Xarakada Al-islaax ayaa iyada maqaal ay ku weerareyso Xisbiga Dam-jadiid waxay ciwaan uga dhigtay (Ma dhiig cusub mise dhiig wasaqeysan).

Maqaalka lagu soo qoray Somaliatoday, ayaa waxaa lagu qeexayaa waxa ay yihiin (Dam-daiid) iyo ahdaafta ay leeyihiin.

Wuxuu leeyahay, Dam-jadiid waa garab ka go’ay Al-islaax, kuwaasoo hadafkooda yahay ineey maamulaan wadanka Soomaaliya iyagoo umaraya wado walbo oo ay ku gaari karaan.

Somaliatoday waxa uu leeyahay Dam-jadiid waa koox abaabushay dilal qorsheysan oo wadanka ka dhacay, gaar ahaan xiligii maxaakiimta Islaamiga, sidoo kale waxa uu leeyahay waa koox handada qof walboo ka horyimaada siyaasadooda ama afkaartooda.

Sidookale shabakada Somaliatoday waxay leedahay Xisbiga Dam-jadiid ee uu qaybta kayahay madaxweyne Xasan Shiikh, waxay halkaan kusoo gaareen laaluush, gaar ahaan xiligii doorashada, laakiin waxaa xusid mudan in doorashadii madaxweynaha dhamaan musharaxiintii isa soo sharaxday mid walbo uu dhiibay laaluush lasiinayay xilibaanada si codka loogu shubo, waxaana musharaxiinta kamid ahaa rag katirsan Xarakada Al-islaax.

Maqaalka lagu qoray shabakada Somaliatoday, sidoo kale waxaa lagu xusay in sanadkii 2005-ta doorasho ay qabatay xarakada Al-islaax oo lagu dooranayay hogaanka ururka, ay qaar kamid ah Dam-jadiid markii ay doorashada ku fashilmeen bilaabeen Mu’aamarad ka dhan ah madaxda Ururka, iyagoo adeegsanaya qaab qabiil iyo iska horkeenid.

Sidoo kale waxa uu warbixintaan lagu xusay in qaar kamid ah Dam-jadiid ay iyagoo adaagesanaya awoodii maxaakiimta Islaamiga isku dayeen ineey Xoog kula wareegaan xafiisyada ururka Al-islaax, laakiin markii danbo ay qaar kamid ah madaxdii maxkamadaha arinka fahmeen.

Dhanka kale shabakada Al-shahid oo iyadana taageerta Xisbiga Dam-jadiid, ayaa iyana qortay maqaal ka dhan ah xarakada Al-islaax kaasoo ciwaan looga dhigay (Farqiga u dhaxeeya Xarakada Al-islaax iyo Al-shabab) sidookale maqaalkaan waxaa laysla bar bar dhigay Hogaamiyaha Al-islaax Dr Cali Shiikh Axmed iy hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Hadaba Xarakaatka Islaamiga ah ee Soomaaliya kajira nuuceey doonaanba haku nasab sheegtaane, ayaa ah kuwa Soomaaliya kusii shubay Basiinka islamarkaasna dhibaatada sii laba laabay tan iyo wixii ka danbeeyay bur burkii Soomaaliya ku yimid.

Wadaadada maxaa isku kiciyay:

Nin waalan oo wadada maraya ayaa hada kahor waxa uu kusoo dhex dhacay laba Masaajid oo daris ah,islamarkaasna ay Makaroofanka isku weerarayeen laba wadaad oo mabda’a Salafiga u nasab sheegto.

Ninkii waalnaa ayaa markuu mudo dhageeysanayay hadalada ay is dhaafsanayaan wadaada yiri “Waar wadaadada maxaa isku kiciyay”.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada