Dhibane Jaceyl: 24-May Maalintii Iigu Danbeeysay Oo Aan Is Maqalno: Qalinkii WaaSuge”

Dhibane Jaceyl: 24-May Maalintii Iigu Danbeeysay Oo Aan Is Maqalno: Qalinkii WaaSuge”

daajis.com:-24/May/2012 Abaaro 5:00 Galabnimo waa maalin ii leh murugo gaar ah oo waxaan baalka ka galay qiso madow iyo magac danbiyeed waana maalintii la ii aqoonsadey inaan ahay shaqsi aan ku hoboneyn nolosha.

Waxaa hubaal ah inaad maanta oo ah sanad ka dib markii aan kale hayaaney aniga iyo adiga aad iloowsan tahay amaba aadan ku fakarin sanadkii miyaa sidaan u dhaw, waxaa lagaba yaaba in lagaa dhaqey xanuunkii iyo dhibaatadii kaa soo gaarey xariirkeeni dhantaalmey oo aadan soo xasuusa qiso ahaan iyo magaca intaba.
Si kale aan u qeexee waxaa laga yaaba inaad qaadey talaabooyin hormareed oo guul kuu aheed kale tageena waxaana dhaci karta inaad wali iga aaminsan tahay shaqsi ku xumeeyey amaba aanan u qalmin hanaanka nolosha iyo heeryada jaceylka, laakin waxaan issu haysta aniga oo ana is amaaneyn inaan ahay shaqsi/Qof ku dhaqaaqey ficil midkii ugu haboonaa iyo go,aan kii saxda ahaa, waan ogaa oo waan hubaa inuu ahaa xanuun iyo xinjiro meel fadhiya laakin waxaan aaminsanaa inu xanuunka maalmo uu ku ekaan doono kadiban aad ka bogsan doonto adigoo gadaal ka ogaan doona sababta dhab ahaan ka danbeeysey inaan ku kaco falkaan.

Sida aad ogsoon tahay qisdaan mid la mid ayaan ku ibo furtay nolosheeyda bilowgeedii aniga oo si wacan oo wanaagsan kaaga sheekeyey dhibkii iyo dhaawacii iga soo gaarey waxaana hubaal ah inaad naftaadu la jiratay qisda aan farxada laheyn ee aan ku curtay, taas adiga oo ogsoonaa hadana taada ayaa iigu xigtay oo la mid ah tii shalay igu dhacdey, wali waxa korkeeyga iyo qalibiga ku yaalo haarahii iga soo gaarey jaceylkii dhicisobey.
“Maxay tahay sababta aan u qaatay go,aanka guracan ee aad igu dhibsatay igu nacdey kuna kale fogaaney”
Sadar muuqda su,aal ka dhan oo walaaaal waad ogsoon tahay in labadeena anaan nolol ku wada mushaaxi karin waxaana aheyn dad dhan kasta aan iskuga imaan karin aduunyada ku kale dheer oo ku kale nool 2bo qaaradood, markii aan is xog wareeysanana waxaad la socotaa in qofkeen uusan qofka kale caawin karrin.

Sidaa darteed waxaan qaatay go,aan xun laakin gadaal ka leh intifaac iyo dhaxaltooyo aduun waayo hadii aan runta la maalin beeni raad maleh anaga oo runta isku sheegnaa ayaa ugu wanaagsan inta ficil ah ee dadku sameeyo, laakin soomaalidu runta waxa aay u taqaana ceeb iyo amakaak iyo wax an laga helin dheef aduun.
“Waxaa Laga Yaaba Inaan Xgaada Ka Ahay Danbiile Iyo Qof Lumiyey KalSoonidii Loo Dhiibtey”
Hadaba sidaas maahan xaalku oo waxaan sameeyey talaabo wanaagsan oo waxaan bad baadiyey in mar kale aan dhax maquurano mawjadu aduun oo murugo leh anagoo aanan haysan wax taageero ah masana ku nool saboolnimo, waxaan islahaa kala raysta oo kale roonaada waayo waxaad ogsooneed inaan dhan kasta ka liidanay oo aanan helin xataa wax garab ah, marka walaal mararka qaar waxaa wanaagsan in kala roonaado.

“Ma Ogi Nolosha Aad Ku Sugan Tahay Haatan, Waayo Waxaa DaaQada Ka Baxay Iska War Qabkii”
Soomaalidu waxa ay caado ka dhigataa qofka hadii laga waayo sidii laga rabay in la hilmaamo ama la tuuro ayadoo xataa la gaarsiiyo inaan laga qaadin salaanta islaamka ah taasina waa sababta aad maanta xataa marka aad iga hor timaado iiga wareeyganeeyso laakin ogsoonoow waxaani waa aduun qofkii shalay noola maanta ma noola waxaana wanaagsan in maalmaha kooban oo aad nooshahay aad ku dhameeysato farxad iyo cafis.

“Waxaan Kuu Rajeynayaa Caafimaad Iyo Cibaado Suuban NoQo Guri Waara Iyo Wehel Joogta Ah”
Mar kasta waxaan kuugu duceeya inaad ka baxdo dhib iyo xanuun waxaana Alle kaaga tuugaa inaadan noloshaada dhax galin mugdi, waxaanan kuugu duceynayaa ubad qeyr qaba iyo zey aanan ku iloobin.!

“Fariintaan Dabadeed Waxaan Aaamini Doonaa Inaad Ogoon Doonto XaQiiqda Ina Cafin Doonto”
Hadii aay ku soo gaaro fariintaan walaashey u aqri si niyad sami ah adiga oo isla bar bar dhigaayo hadalka iyo wanaaga qiimaha uu leeyahay waxaana kaa codsanaa hadii habeen aad ku seexatay inaan ahaa qof xun inaad iska iloowdo wax akstoo dhacay adigoo laga bilaabo maanta oo ah maalin farxadeed inaad I cafiso.

“Waligaa HaKa Fiirin Sida Ee Wax U DhaCeena Ee U Fiiri Sidee Baad Uga KabSan Kartaa DhaaWaCa”
Hadi aan shalay ahaa qof xun & hadii aan ahaa qof wanaagsanba wax kasta oo aan ahaaba maanta waan kale tagney waxaan kaa codsana inaad waqti iskaga lumin teydii oo aad u sahan tagto noloshaada iyo sidii aad ugu horseedi laheed aayo wacan iyo aayatiin wanaagsan, waxaan ahaaba waad igu waysay waana kugu waayey”. !!

Aqirste Qisda oo qoraalkeedu dheeraa waaan soo koobney dulucda sheekada iyo macnaheeda buuxana waaa “In laba qof oo xariir ka soo dhaxeyn jirey kala tageen sababta aay ku kala tageena aay aheed inuu horey usocon waayey jaceelkoodii iyo xariirkoodi marka laga eego dalacada nolosha oo aay labadooduba ka maqnaayeen, hadaba go,aanka qofkii keeney oo ku dhaqaaey waxa uu dareemayaa inuu galay godob asago oo haatan ah sanad ka dibna si qoraal ahaan ah ugu gudbiyey qofkii inuu sidaan xal u arkey kuna wacanaa.
Hadaba aqriste markii aad dhameeysato aqrinta qoraalka iyo qisadaan waxaa lagaa sugayaa in aad ka baxiso faalo ku aadan in go,aanka uu qaatay wiilku ahaa mid uu ku saxan yahay iyo hadii uu ahaa mid u ku qaldan yahay, mase wanaagsaan tahay in la is lagooyo sida soomaali badana mar danbe lagu kale tago xumaan”. !!
Waxaan sugnaaba waa jawaabtaada qiimaha badan intii ka horeysana waa ismail abdi aden aden “WaaSuge” oo idin wada leh jimco wanaagsan intaan ku kulmi doono mid la mid ah qisdaana sidaas iyo nabad galayo.
Dhaxalka Qisdaan “Dhibane
Qalinkii: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada