Mar Waliba Jaceylka Waa Cudur !! Qabiilkayga Marka Ay Ogaatay Ayay I Diidaye Maxaan Yeelaa?

Mar Waliba Jaceylka Waa Cudur !! Qabiilkayga Marka Ay Ogaatay Ayay I Diidaye Maxaan Yeelaa?

daajis.com:-ASC intaas kadib waxaan idin ka codsanaya talo in ad iga siisaan arintaan haddu alle idmo  , 1 waxaan ahay qof dalanyaro ah oo 24 jir ah alxamdulilah jamacad islaami ah ayan carabta kadigta, waxaa dacday in aan isbarano gabar somaliyed oo garoob ah oo carur haysata marki an isbaranayne ayaa waxaan isku baranay meel kherka iyo diinta ay kasocota, kadib waxay i waydisay qabilkayga anigana waxaan qalad kusameyay in an qabiil kale u sheegto , calaaqadeena ayaa aad iyo aad u sii adkaatay.


Waxaan noqonay labo qof aad iyo aad isku jecladaay runtii anigana aad iyo aad ayan u jeclaaday gabahii anigo og in ay haysato carur oo ay iga da wayntahay, anigii madaamo an qabiil kale u shegtay waxa igu atkaatay sida an ugu sheegi laha qabilkayga.
mmar ay 1 sano ka soo waregatay oo aan is guursan  rabno ayaa waxaan go`ansaday in an runta u sheego, markii an u sheegay kadib ayaa waxay igutiri walal aniga qabiladaas magali karo oo rerkayga ayaan ka baqaaya ee walaal i cafi aniga waan ka baxay arinta, run ahaantii anigii qofkii aad iyo aad ayaan u jecladay si xad dhaaf ah xittaa waxa ay  gaartay in aan waxbarashadaydii iga halawdo ,marka walalyaal waxaan idin nkacodsanaya in ad ila talisan maxaan sameyaa qofki kama marmo asagana wuu iga maar may fadlan aqristayaal talo igu caawiya tallo wa atii alleee.
Jawaab :
Wacalaykum wasalaam waraxmatullahi wabarakatuh. Walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay su’ashaada qiimaha badan .
Mahdi walaal nolol kasta oo been lagu aas aaso nihaayadeedu waa taas ku qabsatay oo kale, beentaasi ha yaraato ama ha waynaatee waa tii mar ay ahaataba soo baxda xaqiiqdeedu, horaa loogu maahmaahi jiray runtu waa raaxo. Gabadhu inay sidaa kuu gasho ma ay ahayn umana cuntanto taasi, ficilka ay ku dhaqaaqdayna wuxuu ku tusayaa inay tahay dadka qabiilka qadariya ee u arka inuu qabiilku yahay noloshoodhan, waa dadka qabiilku uu noloshooda maamulo ee qabyaaladaystayaasha’ah, dadkaasoo kale inaad la noolaatana adigayna kuu fiicnayn ( waa hadaad tahay qof dhex dhexaada oo aan dadka qabiil kula saarin )
Su’aashaada waxaa ka muuqda inaad tahay qof aan ku kalsoonayn shakhsiyadiisa iyo wuxuu yahay, maxaa kugu kalifay inaad is qariso oo waxaanad ahayn aad isku tilmaamto, qabiil magaciisa inaad sheegtaa maxay kuu siyaadinaysaa ama kaa nusqaaminaysaa waa waxba, hadaba qofta aad guurka ka dalbayso inaad qabiilkaaga magaciisa u sheegto iyo inaadan u sheeginba waxaa ka muhiimsan oo darajo iyo qiimo kuu yeelayaa waa shakhsidaadu siday tahay, habla dhaqankaaga, diinta sidaad kutahay, wax kasta oo wanaagsan ooaad tahay inaad u sheegto. Qabiilku qiimo uuna lahayn ha gaadhsiinina walaal.
Tusaale hadaad ku dhahdo gabadha magacaygu waa Axmed adoo Maxamed lagu dhaho wax isbadala oo ay kuu siyaadisay muu jiraa waa maya, qabiilkuna waa sidaa oo kale hadaba Mahdiyoow mar kale iska jir inaad qariso waxaad tahay wax uu yahayba inkastuuna qiimaba lahayn qabiil ( anagoo kugula talinayna inaadan qabiil gaadhsiin meeluuna gaadh siisnayn,oo aad noqoto mid noloshiisa ka saara qabiil qudhunkiis )
Mahdi waxba yeyna kugu waynaan gabadhani waayo marba haday dadka ku kala saarayso qabiil iyo wax jahliya ma istaahisho inay kuu noqoto ooridaada, adiguna noqo mid runta ka sheega waxkasta oo noloshiisa kamida, noqo mid ku faana diintiisa, kartidiisa, shakhsiyadiisa, akhlaaqdiisa iwm. Hadii aad tahay mid liis u sameeyey wuxuu yahay iyo wuxuu awoodaba liiskaaga xarafka ugu danbeeya qabiilka dhig hadii aadan ka masaxi karinb oo uu qiimo kula leeyahay.
Ka fogow qudhun qabiil iyo qabyaaladba, gabadhkasta oo aad mustaqbal ka dooni doontana runta u sheeg qabiilna haku xulan tii qabiil dartii kaaga tagna waxaad ogaataa awlba inay ahayd qabyaaladaysato aan ku anfacdeen.
Xaga waxbarashada. Walaal jacaylku maaha mid wax dumiya ee waa mid wax dhisa, maaha inuu kaa hor istaago mustaqbalkaaga. Waxaan kugu dhiiri galinaynaa inaad waxbarashadaadii soo ceshato oo aad qaado dariiqii aad ku heli lahayd waxaad baranasay. Aqoon la’aani waa iftiin la’ane walaal meesha ka kac oo himadaada kor u qaad, gabadh sheekadeed ama guurkeedu yeyna kaa hor istaagin mustaqbalkaaga.
Ugu dabayntii walaal waxaan kuleenahay ahoow qof naftiisu waxay tahay ku kalsoon oo aamina waxay tahay, imtixaanada aduunkuna inay ku adkeeyaan mooyaane yeyna ku jilcin, umada jiilkii usoo kacayey ayaad tahaye walaal geestaada ka gal sidii aad mustaqbalka umadan u badbaadin lahayd.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada