
Jawaab:
Wacalaykum wasalaam waraxmatullahi wabarakatuh. Walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay su’ashaada qiimaha badan iyo in aad noo dooratay in aan kaaga anaga iyo aqristayaasha bogga ku siiyaan talo. Walaal waxaan isku dayeeynaa Hadduu Alle idmo inaan kaa tala siino intaan awoodno.
Walaalo aragsan sawma ogid inay tahay arintaadani mid aad u haysata gabdhihii guurdoonka’ahaa, taasoo’ah inay laba qof halmar isku wado, runtii waa arin aad u foolxun taasi umana qalanto inay gabadh muslimadi samayso waxaas, sababta arintaas keenaysaa waxay tahay dhulalkan gaalada ee la yimid ayey arintaasi caadi katahay, hadaba hadii aynu inagu muslimiin nahay ma wax inoo qalmaa taasi waa may jawaabtu. Inaan adiga ku canaanano uma danlihin walaal waase baraarujinta aynu isku leenahay taasi.
Hadaba Aragsaneey walaal waxaanu ku leenahay.
Maxaa kugu kalifay inaad wiil labaad la hadasho adoo og inaad mid hore ubalan qaaday, ma wiilka hore ayaadan ku kalsoonayn oo aad ka shaki qabtay, mise waxaad u aragtay inay caadi tahay inaad wiilasha iskala sheekaysan kartid, hadaba hadii ay tan danbe waxaad ogaataa inayna diinteenu banayn oo ay xuduud idiin kal samaysay adiga iyo wiilasha.
Ma ogtahay inaad naftaada io labada wiilba dulminaysid markaad labadoodaba sheekada u wado, waayo adiguna laba wajiile ayaad noqon wakhtigaaga iyo wakhtigoodan waad ku ciyaaraysaa, qofka meel cidla’ah soo istaagayaana waa adiga’un, hadaba walaal ka digtoonow taas.
Sawma ogid inaad baltii uga baxday wiilkii hore maadaama oo aad balan u qaaday isaga, hadaba hadii uuna wiilkii hore ku cajabin oo aad kan danbe rabto,maxaa kuu diidaya inaad runta oo cad u sheegto iyo waxa aadan ku rabin, walaalo sheekadu haday tahay sheeko guur waxaa lagama maar maana in labada qof ee sheekaysanayaa inay daacad iyo khiyaamo la’aan inay ku sheekaystaan.
Hadii wiilka hore aad ku qanacday, waxaa muhiima inaad sicad oo tooso aad ugu sheegto wiilkan danbe in laga soo horeeyey, si aadan wakhtigiisa ugaga ciaarin.
Ugu danbayntii walaalo waxaanu kaaga digaynaa inaadan ficilkan oo kale aadan samayn, sababtoo’ah waxay kuu tahay sharaf dhac inaad wiilkasta iskala sheekaysato,hadii ay sheeko hore kuu socotayna inaadan mid cusub ku dul furin ilaa aad tii hore ka ogaato meesha ay ku danbayso.
Walaalo ogow in waxa aadan adigu ogolaateen inayna cidina ogolaanayn, sida aadan u ogolaateen in wiilka aad la sheekaysanaysaa inuu mid kale ku bar bar wado ogow iyaguba ma jecla taase.
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at