Falanqeynta Kulamada Xiisaha Leh Ee Maanta Iyo Caawa La Ciyaarayo Horyaalka Premier League.

Falanqeynta Kulamada Xiisaha Leh Ee Maanta Iyo Caawa La Ciyaarayo Horyaalka Premier League.


LINE-UPKA MACQUULKA AH:
QPR

Green
Fabio, Onuoha, Hill, Traore
Jenas, M’bia, Granero
Remy, Zamora, Townsend
ARSENAL

SzczesnySagna, Mertesacker, Koscielny, Monreal
Ramsey, Arteta, Rosicky
Walcott, Podolski, Cazorla

Kulankaan ay caawa ku kulmayaan kooxaha reer London waxa uu micno weyn ugu fadhiyaa Arsenal kuwaasoo u dagaalamaya inay xaqiijistaan booskooda Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda, Gunners waxa ay haatan ku jirtaa kaalinta 4aad iyagoo leh 64 dhibcood, waxaana ay hal kulan ka sii hor ciyaareen Chelsea oo 3aad ku jirta oo leh 65 dhibcood iyo Tottenham oo kaalin shanaad ku jirta oo leh 62 dhibcood.
Guul ay caawa gaarto Gunners waxa ay booska seddexaad kala bixi doonaan Chelsea kuwaasoo berrito wajihi doona Man United, QPR iyada wax ay u ciyaareysa kaliya sharaf inay ilaashato, madaama ay xaqiijisteen inay u dhaceen horyaalka heerka labaad oo ay ka ciyaari doonaan xilli ciyaareedka soo socda.
Kulanka: QPR v Arsenal
Garoonka: Loftus Road
Waqtiga 7:30 pm SGA (Saacada Geeska Afrika)
QPR ayaa dib ugu soo yeeran karta daafaca Chris Samba kaasoo laga soo tagay kulankii axadii hore barbaro goolal la’aan ah la galeen Reading taasoo xaqiijisay inay u dhaceen horyaalka heerka labaad.
Ciyaaryahanka amaahda uga soo maqan Tottenham Andros Townsend ayaa laga yaabaa inuu isna ka soo laabto dhaawac muruqa ah oo uu la xanuunsanaa.
Arsenal wax dhaawac cusub ah ma qabto, laakiin Olivier Giroud ayaa maraya ganaaxiisii labaad ee seddex kulan oo la ganaaxay.
Lukasz Fabianski ayaa weli dhaawac feeraha ah la maqan, halka Abou Diaby isna uu dhaawac muddo dheer oo jilibka ah uu la maqan yahay.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
TOTTENHAM

Lloris
Walker, Dawson, Vertonghen, Assou-Ekotto
Dembele, Parker
Lennon, Holtby, Bale
Defoe
SOUTHAMPTON

BorucClyne, Yoshida, Hooiveld, Shaw
Davis, Schneiderlin, Cork
Lallana, Lambert, Rodriguez

Ka hor inta aysan Arsenal ciyaarin waxaa ciyaari doonta maanta Tottenham oo martigelin doonta Southampton, waxaana guul ay ka gaaraan Southampton ay u saamixi doontaa inay kaalinta 4aad kala baxaan Gunners ugu yaraan ilaa iyo inta ay Arsenal ciyaareysa saacado ka dib kulankooda.
Kulanka: Tottenham v Southampton
Garoonka: White Hart Lane
Waqtiga: 5pm SGA
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Mousa Dembele ayaa rajeynaya inuu taam noqdo inkastoo lagu qasbay inuu dhaawac muruqa ah uga baxo kulankii Wigan ee isbuucii hore.
Tababare Andre Villas-Boas ayaa heysta Emmanuel Adebayor iyo Jake Livermore  kuwaasoo dhaawacyo ka soo bogsaday.
Southampton waxaa ka maqan Gaston Ramirez iyo Danny Fox kuwaasoo labadoodaba ay u bilaabaneysa ganaax seddex kulan ah ka dib markii ay casaan qaateen kulankii West Brom.
Luke Shaw ayaa laga yaabaa inuu ku soo laabto kooxda ka dib markii uu ka soo kacay dhaawac canqowga ah.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
SWANSEA CITY

Vorm
Rangel, Chico, Williams, Taylor
Ki, Britton
Routledge, De Guzman, Hernandez
Michu
MANCHESTER CITY

Hart
Zabaleta, Kompany, Nastasic, Clichy
Yaya Toure, Barry
Silva, Tevez, Milner
Aguero

Swansea ayaa dooneysa inay soo gabagabeyso kulanka maanta ee ay la leeyihiin City lix kulan oo aysan wax guul ah gaarin, halka Manchester City ay iyagana doonayaan inay ku dhameystaan xilli ciyaareedka si niyadsan oo ay xaqiijistaan booskooda kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka.
Kulanka: Swansea City v Manchester City
Garoonka: Liberty Stadium
Waqtiga: 5pm SGA
Goolhayaha Manchester City Joe Hart ayaa taam u ah inuu ciyaaro kulanka maanta ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac ka soo gaaray kulankii West Ham ee isbuucii hore.
Tababare Roberto Mancini ayaan qabin wax dhaawac cusub ah oo uu ka walwalo, ama ciyaaryahano ganaax kaga maqan.
Daafaca dhexe ee Swansea Chico Flores ayaa nabar uu ka soo gaaray garabka tababarkii isbuucaan, waxaana uu wajihi doonaa baaritaan caafimaad xilli danbe maanta.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara Roland Lamah ayaa isna seegi doona kulankaan madaama uu qabo dhaawac jilibka ah.
Kulamada kale ee la ciyaarayo maanta Premier League:
Fulham? – ?Reading
Norwich C.? – ?Aston Villa
Swansea C.? – ?Manchester C.
Tottenham H.? – ?Southampton
West Bromwich A.? – ?Wigan Athletic
West Ham U.? – ?Newcastle U.
Queens Park R.? – ?Arsenal
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada