Nin Soomaali ah oo ku nool New Zealand oo cabsi iyo jahwareer ku abuurey Shacabka oo la Dilay!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Nin Soomaali ah oo ku nool New Zealand oo cabsi iyo jahwareer ku abuurey Shacabka oo la Dilay!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Nin Soomaali ku nool dalkaas New Zealand ayaa waxaa la sheegay inuu cabsi iyo jaahwareer ku abuurey dadka ku nool dalkaas ka dib markii uu tooreey ama mindi uu la dhexgalay dadka magaalada islamarkaana uu dhaawac u geystay ilaa iyo 2 qofood ilaa ay markii dambe ay booliiska toogteen ninkaas. 



Ninkaan Soomaaliga ah oo ku nool magaalada Christchurch ee dalkaas New Zealand oo aan magaciisa la shaacin laakiinse la sheegay inuu yahay nin Soomaali ah oo 27 sano jir ah oo ku hubeysan 2 mindiyood ayaa waxaa la sheegay inuu soo gaarey iskool ku yaala magaaladaas oo lagu magacaabo Redwood School, laakiin maamulka iskoolkaas oo ka shakiyey ninkaas ayaa waxay ku amreen inuu ka tago meesha, Laakiin ninkaas oo goobta ka helay haweeney u soo qaaday iskoolkaas cunto ayuu meeshaas ka afduubtey iyada iyo baabuurkeedii asagoona haweeneydaas oo lagu magacaabo Marteine Robin oo 36 sano jir ah u geystey dhaawac ka dib markii uu la dhacay tooreey 

Nasiib wanaagse haweeneydaas ayaa ka baxsatey ninkaas ka dib markii uu baabburkeedii galay saxmad oo ay baabuurtii isku xirantay, ninkaan oo guud ahaan dhaawac u geystay 2 ruux ka dib markii uu tooreey la dhacay ayaa sidoo kale waxaa uu ninkaas dhaawac mindi ah oo halis ah uu u geystay nin ka mid ah shaqaalaha dowlada hoose ee magaaladaas, Laakiin nin fuundi ah oo uu sidaas oo kale uu damcay ninkaas inuu tooreeyo ayaa iska difaacay ka dib markii uu baabuurkiisa kala soo baxay leebo oo uuna qoorta ku dhuftay laakiin ninkaas Soomaaliga ayaan wali waxba noqon oo ku soo socday ninkaas ilaa ay booliisku goobta ka soo gaaraan 

Ninkaan ayaa waxay booliiska oo soo gaarey goobta uu falkaas ka geysanaayey markii hore ay ku buufiyeen sunta dadka kaga ilmeysiiso oo aan waxba ka tarin ka dibna waxay ku dayeen inay koronteeyaan taasoo sidoo kale aan waxba ka tarin ninkaas taas oo keentay inay booliisku toogtaan ninkaas ayagoona ka dhaawacay garabka iyo gacanta asagoona hada yaala isbitaalka magaaladaas oo lagu sameeyey qaliin islamarkaana ay booliisku ilaalo ka hayaan, Naagta uu ninkaas dhawaacay ayaa ayadu baaritaan ka dib loo fasaxay inay gurigeeda aadi karto laakiin ninkii kale ayaa wali ku sugan isbitaalka oo halkaas lagu daaweynayaa. 

Ugu dambeyntiina iyadoo dadka magaaladaas ay si aad iyo aad ah ula yaabeen falka uu ku kacay ninkaas Soomaaliga ah ayaa qaraabada ninkaas iyo asxaabta kale ee Soomaalida ee ku nool magaaladaas waxay uga tacsiyadeeyeen oo ayna u muujiyeen dadkii uu dhaawaca u geystay ninkaas sida ay uga xun yihiin arinta uu ninkaas ku kacay, Sida uu sheegay afhayeen u hadlay qoyska uu ka dhashay ninkaas falkaas geystay iyo Soomaalida ku nool magaaladaas oo lagu magacaabo Xasan Ibrahm inay guud ahaan ka xun yihiin falkaas ayagoona u rajeeyey caafimaad dadkii wax ku noqdey shilkaas, Ninkaan oo ay booliisku sheegeen inay horey u yaqaaneen oo dhaawac ah ayaa waxaa la sheegay in maxkamada la horkeeni doono marka uu xaalkiisu ka soo raayo si loogu ciqaabo fal dambiyeedka uu geystay. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada