Mareeykanka oo Caruurta hubeenaya iyo Mucaaradka Madaxweeyna Obama oo Xaasidnimo cusub bilaabay (Daawo Muuqaal+Warbixin)

Mareeykanka oo Caruurta hubeenaya iyo Mucaaradka Madaxweeyna Obama oo Xaasidnimo cusub bilaabay (Daawo Muuqaal+Warbixin)

daajis.com:-Gobolo ku yaal dalka Mareeykanka waxaa si xoogan uga socda qorshe Caruurta yar yar lagu hubeenayo waliba lagu barayo Liifka qoryaha iyo qaabka wax loo toogto. Mudo Isbuuc gudihiis ah Caruur aad u yar yar ayaa goobo kala duwan dad ku toogatay balse waxaa ugu darneeyd markii uu Wiil 5 sano jir ah, laguna magacaabo Kristian Sparks uu toogtay Walaashiis Caroline Sparks oo 2 sano jir eheed. 



Toogashada Caruurtaan is dishay ayaa ka dhacday Gobolka Kentucky gaar ahaan magaalada Burkesvilla ee dalka Mareeykanka.
Shirkadaha Hubka iibiya ayaa bilaabay qorshe cusub oo ay ugu magac dareen (My first rifle) oo macnaheedu yahay " Hubkeeygii ugu horeeyay " 

Gobolo iyo Degmooyin ku yaala dalka Mareeykanka ayaa Caruurta yar yar waxaa hub qatar ah loo siiyaa si Hadiyad ahaan ah kuwaas oo dabadeed ku laaya Waalidiintooda ama Caruurta la dhigata Iskuulka. 

Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Mr.Barack Hussein Obama iyo xubnaha ugu sareeya Xisbigiisa ayaa qaba in qorshaha Hubkaan loogu qeeybinaya Caruurta yar yar inuu yahay ku xumeeys maadaama Xisbiga Madaxweeynaha ay diyaariyeen qorshe Hubka looga mabnuucayo dadka rayidka ah iyo Caruurta yar yar ee Hubka ku leeysa Caruurta la dhigata Iskuulaadka. 

Inta badan dadka indha indheeya Siyaasada gudaha dalka Mareeykanka ayaa waxa ay qabaan in Mucaaradka Madaxweeyne Obama oo Siyaasad ahaan guuldaro kala kulmay Madaxweeyne Obama ay si toos ah u bilaabeen ku xumeeys iyo waxa loo yaqaan midi, midi ku taag maadaama Madaxweeyne Obama uu ka soo hor jeedo Hubka Shacabka sida Hadiyad ahaanta ah loo siiyo . 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada