Shaar Dhaqmo Iyo Feero Aan U Baahneyn 100-maalin Oo La Soo Saaray.

Shaar Dhaqmo Iyo Feero Aan U Baahneyn 100-maalin Oo La Soo Saaray.

daajis.com:-Shirkad soo saarta dharka oo ku taal Mareykanka laguna magacaabo Wool&Prince ayaa soo hindistay shaar ragga xertaan kaasi oo ka sameysan dhogorta xoolaha kaasioo la xeran karo muddo 100-maalin ah iyadoo uusan yeelaneyn laa-laab ama uu qabsdo shiir .

Shirkadaas ayaa tilmaantay in shaararkaan ay ugu talo galeen ragga qabta shaqooyinka adag iyadoo wargeyska Daily Mail uu sheegay in shirkadaas ay tilmaantay in sameynta shaarkaas qaatay 6-bil .
Iyadoo shaarkaas uu ka shaqeynayo in uu nuugo dhididka isla markaana banaanka u soo uun bixinayo iyadoo 100-maalin ka dib uu u baahnaanayo in la dhaqo .
Mid ka mid ah shaqaalaha shirkaadaas ayaa sheegay in shaarkaas in uu isku duu-duubay isla markaana uu dhigay boorsadiisa si uu u xaqiijiyo in uu laa-laab yeelanayo balse saacad ka dib markii uu soo saaray shaarkaas uu sidiisii ahaa, waxaana la filaaya in suuq uu yeesho shaarkaas.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada