Fariin Qalbi Dhaawacan :Laga Yaabee In Aad I Iloowday , Xasuustaada Iga Saartay, Balse Aniga Waxaan Taaganahay….

Fariin Qalbi Dhaawacan :Laga Yaabee In Aad I Iloowday , Xasuustaada Iga Saartay, Balse Aniga Waxaan Taaganahay….

daajis.com:-* Laga yaabee inaad i iloowday oo aad xusuustaada iga saartay ,macquul inaad nolol cusub bilowday laakin aniga weli waxaan taaganahay wadadii aad iiga dhaqaaqday.

* Waxa ugu dhibka badan ee soo mara xiriirka mucaashiqiinta waa marka ay bilaabato kala feejignaan iyo dib u gurasho marka ay timaado markaas waxaad lumisay kalsoonida qofka kale ugu dambeyna xiriirkaas wuu dhamaadaa.
Cawaaqibka ahaana waxaad u dhaxashaa inaad wajahdo shalaayt, dad badan waxaa qariya wejiyadooda habaas marka uu ka tago shaqsiga ay jeclaayeen, xilliga qalbijabkana qofku wuxuu u baahan yahay taageerada saaxiibadiis iyo qoyskiisa.
* Hadii aad la ildaran tahay qalbiga oo lagaa jebiyey waa inaad fahantaa tani ineysan aheyn dhamaadka nolosha,qofku waa inuu taas u fahmaa inuu wax ka barto wejiyada kala duwan ee nolosha ee casharada laga barto kana fogow inaad gasho mid la mid ah qaladkii hore mar kale, waxaad fariintaada iyo shucuurtada u soo bandhigi kartaa qof aad ugu kalsoon tahay saaxiibtaa/saaxiibkaa ama qoyskaaga qof ka mid ah.
* Ha jeclaan oo ha guursanin qof aan ku jecleyn kuuna awoodin inuu qalbigiisa boos weyn kaa dejiyo hadii aad isleedahay fursad sii beri ama maalin uun ayuu kugu qiimeyn doonaa waxa aad u heyso waxaa laga yaabaa inaad naftaada diciifnimo u horseedeyso, marka hore adigu jeclaaw naftaada si dadka kale kuu jeclaadaan.
Waa dhab inuu jaceylku u baahan yahay samir iyo dulqaad haseyeeshee ogow waa inaad sidoo kale saadaalin kartaa natiijada kaaga soo bixi karta rabitaanka halka dhinac ah.
Ha u ogolaan naftaada iney gocashadu deris la noqoto, daajis.com waxaad tahay marwalba qof muhiim ah ku xisaabtan qofka aad rabto ma yahay mid kuu qalma? Kugu bedeli kara mid la mid ah dareenka aad u qabto.
Nolosha kuma eka qofkaas oo keliya dareensii qiimaha aad ku fadhido iskana ilaali inaad horteeda/tiisa daciif mar walbo ka ahaato.
Ha noqon qof marwalba raadisa ee isku day inuu markaaga ku soo raadiyo, si aad u noqoto qof la xushmeeyo oo laga fekero.
Waa run sugida badan iney welwel iyo walbahaar leedahay hadana ogow adiga ayey dan kuugu jirtaa inaad naftaada xakameyso

Waan ogahay in guuldarooyinka ka badaan oohin ka soo go’da uurka,haseyeeshee ku xisaabtan in aaney wax tegay kuu soo celin karin si kasto oo ay kugu adag tahay inaad maskaxdaada ka saarto haka daalin inaad qaado talaabooyin ku ilaawsiin karo.
Ogow jaceylka badan waxaa daba socda neceb badan markaad dib u xisaabiso waqtigii laaga lumay qofkaas iyo marxaladihii adkaa waxaa laga yaabaa inaad si ka duwan qaabkii hore aad wax u aragto aad isweydiiso su’aalo ay ka mid yihiin muxuu qofkaan dheer yahay dadka kale? Maxaan ku doortay aniga?
Ku dadaal sidaad uga bixi laheyd maxnada aad ku jirto hana is dhihin ma noolaan kartid la’aantiis waad noolaan kartaa weliba mid ka fiican tii hore.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada