Farxiya Fiska oo Qabsatay Qalbiga Muqayiliinta + Video

Farxiya Fiska oo Qabsatay Qalbiga Muqayiliinta + Video

daajis.com:-Fanaanada codka macaan ee Farxiya Axmed Cadaawe Fiska oo ka mid ah fanaaniinta ugu taageerada badan ayaa dhowaanahaana hanatay taageerada bulshada muqayiliinta ah ee Soomaaliyeed kadib markii ay dib u soo cusboonaysiisay badanka heesaha ay jecel yihiin muqayiliinta.

Farxiya Fiska oo ah fanaanad leh cod macaan oo ku soo baxa hees kasta ayaa dib u soo qaaday heeso badan oo ay horay u qaadi jireen fanaaniin waa weyn oo magac ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed, waxaana ay muujisay in ay buuxin karto booska fanaaniinta howlgabay.

Sidaas darteed ayay wada qabsatay goobaha Marfishyada ama lagu qayilo ee ku yaala dalka Ingiriiska oo laga wada dhagaysto heesaha qaaciga ah ee dib ay u cusboonaysiisay taas oo u suuragalisay in taageerayaal badan ay ka yeelato muqayiliinta Soomaalida.

Mana ahan oo kaliya in ay ku egtahay London ee waxaa kaloo qadka Internetka ka dhagaysta dadka Marqaama waliba xiliyada dambe ee habeenkii oo ku qabsada heesaha ay ku qaaday codkeeda dahabiga.

Waana sirta ka dambeysa qaabka ay ku noqotay fanaanada taageerayaasha ugu badan ku leh bahda Muqayiliinta maadaama ay u soo cusboonaysiisay heeso badan oo qaarkood aananba laheynin iyagoo fasiix ah.

Farxiya Fiska waa fanaanad da,yar oo si xowli ah magac ugu yeelatay fanka, waayo waxa ay leedahay cod macaan iyo hibo faneed, waxaana la dhihi karaa in ay ka mid tahay fanaaniinta tirada yar ee ugu faa,ideystay soo galida fanka in bulshada ay u soo bandhigaan hibada iyo codka uu ilaah ku manaystay.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada