Nin u dhashay Dalka Sucuudiga ayaa noqday ninka caalamka ugu nasiibka daran

Nin u dhashay Dalka Sucuudiga ayaa noqday ninka caalamka ugu nasiibka daran

daajis.com:-Nin Sucuudiyaan ah oo lagu magacaabo Khalid Cabduh ayaa la sheegay in uu ka mid noqday dadka ugu nasiibka xun taariikh bini aadimka, kadib markii uu ninka habeenkii arooskiisa uu ku qasaaray lacag 2 Million oo Dollar ah suuqa beec mushtarka, ayadoo sidoo kale markii arintan ay soo gaartay xaaskii arooska u aheydna ay ka dalbatay furiin.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday dalka Sucuudiga sida uu wariyay Wargeyska Al-Yowm, waxaana la sheegay in ninkani oo dhalinyaro ahaa uu isu diyaariyay habeenka arooskiisa, isagoo si wacan u lebisan isla markaana lagu guda jiro xafladii dabaal degga farxadeed ayaa mar qura telefoonkiisa waxaa kusoo dhacday fariin loogu sheegayay in uu suuqa beec mushtarka uu ku qasaaray 2 Million oo dollar taasoo isla markiiba wajigiisa murugo iyo argagax ku riday isagoo isla meeshii ku miir daboolmay, waxaana loola cararay isbitaal ka dhawaa goobtaas.
Kadib markii uu soo naaxay ayaa arinka waxaa uga sii daray xaaskii aroosada u aheyd ee uu isla lahaa farxad iyo damaashaad nolosha kula qeybso, ayadoo isla sariirtii uu jiifay uga dalbatay in uu furo, gabadhaan ayaana sida la sheegay ku dooday in ay ninkaan u guursatay maadaama uu taajir ahaa, balse hadii uu hal habeen qasaaray hantidiisii oo dhan aysan jirin sabab ay kula aqal gasho.
Ninkaan ayaana lagu tilmaamay mid ka mid dadka taariikhda bini aadimka ugu nasiibka xun, maadaama uu hal habeen ah uga baxay badda Millionair nimada oo uu waliba faqiir noqday, sidoo kalena xaaskiisii arooska aheyd oo uusan taajka ka furin ay ka dalbatay in uu furo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada