Faysal Cali Waraabe oo Jawaab Kulul ka Bixyay Salaan uu Salaamay Madaxwayne Xasan Shiikh !!(Daawo Muuqaal+warbixin)

Faysal Cali Waraabe oo Jawaab Kulul ka Bixyay Salaan uu Salaamay Madaxwayne Xasan Shiikh !!(Daawo Muuqaal+warbixin)

daajis.com:-Gudomiyha xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Soomaaliland Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa la sheegay inuu si kulul uu uga jawaabay hadal dhawaantaan ka soo yeeray wasiirka warfaafinta ee maamulka Soomaaliland asagoona ku tilmaamay madaxda hogaamisa Soomaaliland dad jaahiliin ah oo aan waxba ogeyn. 



Faysal Cali Waraabe hogaamiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee maaulka Soomaaliland ayaa waxaa uu si kulul kaga jawaabay hadal dhawantaan ka soo yeeray wasiirka warfaafinta ee maamulka Soomaaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo ku tilmaamay kulan ay dhawaataaan wada yeesheen Faysal Cali Waraabe iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh mid meel ka dhac ku ah maamulka Soomaaliland islamrkaana uusan awood u lahayn inuu Faysal Cali Waraabe uu kulan la qaato madaxweynaha Soomaaliya, Faysal Cali Waraabe oo arintaas ka hadlay ayaa waxaa uu ku sheegay inay taasi marqaati cad u tahay jaahilnimada madaxda maamulka Soomaaliland, asagoona sidoo kale hoosta ka xariiqay inuu la kulmi karo cida uu doono arintaasna aysan waxba u dhimayn qadiyadiisa ku aadan gooni isutaaga Soomaaliland, islamarkaana ay tahay wax lala yaabo in qof lagu eedeeyo muxuu qofkaas u salaamay. 

Ugu danbeyntiina iyadoo gudoomiyaha xisbiga mucaaradku uu si kulul uga jawaabay hadalka ka soo yeeray wasiirka warfaafinta ee maamulka Soomaaliland ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inay shacabka reer Soomaaliland ay asaga kaga kalsoon yihiin xukuumada maamusha maaulka, hadlka wasiirka warfaafinta Soomaaliland ayaa waxaa uu yimid kulan aan la sii shaacin oo ay dhawaantaan isku arkeen magaalada Birmingham madaxweynaha Soomaaliya oo ay weheliso wasiirada arimaha dibada iyo gudoomiyah xisbiga muacaaradka UCID ee maamulka Soomaaliland. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada