Filim Laga Samayay Qaabka Dhalinyarada Kenya Gabdhaha Yurub & America Ku Nool Lacagaha Uga Qaatan + Video

Filim Laga Samayay Qaabka Dhalinyarada Kenya Gabdhaha Yurub & America Ku Nool Lacagaha Uga Qaatan + Video

daajis.com:-Dhaliyarada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya ayaa soo bandhigay hab casri ah oo lacagaha uga qataan gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool Yurub Iyo America ,taas ah in lagu abuuro jacel been ah kadib laga daadsado Lacagaha yar ee Ceyrta u qataan ama loo siiyo waxbarashada.

Filmkaan yar oo ka turjumay xaqiiqda dhalinyarada xarfaanta ah ee ku nool Kenya sida ay u mareyaan noloshooda madaama aysan jirin shaqooyin ay ku dabaraan noloshooda marka laga reebo qoysaskooda ku maqan dibadaha oo u soo diro lacago yar ay ku nooladaan iyo waliba Dhalinyarada qaar oo ka shaqaysta Dukaamada ganacsatada Soomaalida ay ku leeyihiin Xaafada Islii.

Labadaaan wiil ee sida sax ah u jilay Filimkaan yar ee hordhaca ah ayaa si run ah u qarxiyay sheeko wayahan danbe suuqa ku jirtay oo ah in dhalinyarada kenya qaar ka mid ah Bogga  Facebook ka dhigteen shaqo lacago ay ku sameeyaan taaso ah in gabdhaha ku nool America iyo yurub ay u shukansadaan si  lacago uga helaan kadibna ku dabaran noloshooda gaarka ah.

Wiilasha jilayay filimka oo hadaladooda laga dhadhansanayay in dhalinyarada kenya Gabdhaha ay ka jacelyihiin Garoobada Caruurta leh tasoo ay u arkaan in gabdhaha kaga dhaqaalo badanyihiin lacagaha caruurta ay ku qataan hablaha Garoobada ah Ama Carmalka ah .

Markii la soo galiyay Facebook Filimkaan yar waxaa durba ka xanaqay gabdho horay sheekadaan ugu dhacday waxayna cadeyeen in horay ugu dhacday sheekadaan dhalinyarada Kenya ku noolna  ay gabdhaha ama garoobada ku qaldaan Jiim  iyo waliba sawiro been abuur ah oo lagu samayay waxa loo yaqaano Photoshop o ah Barnaamij Sawirada Lagu qurxiyo.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada