Gabar Soomaaliyeed Oo Sheegaysa Inay Go’aansatay Inaysan Weligeed Guursan! Talo Siiya Gabadhaan Akhristayaal

Gabar Soomaaliyeed Oo Sheegaysa Inay Go’aansatay Inaysan Weligeed Guursan! Talo Siiya Gabadhaan Akhristayaal

daajis.com:-Waxaa nala soo xiriirtay gabar Soomaaliyeed oo aan aad ula fajacnay qoraalkeeda, gabadhaan ayaa rabta talo maadama ay ku fakarayso inay guur dhanba iska dayso. 

Sida ay noosheegtay gabadhaan waxaa soo maray guur qaraar kaasoo ku kalifay inay faabiyo ka qaado guurka dhan.

Gabadhaan ayaa fariinteedu waxay u qornays sidaan: “walaalayaal daajis.com waxaan ahay gabar guur hore soo martay waxaan ku kala tagnay ninkeygii kadib markii aan anigu dalbaday inuu ifuro anigu ma dooran wuxuuna la soo baxay dhaqamo xun wuu qayili jiray wuxuuna dhixi jiray habeeno waan u dulqaadan waayay dagaal kadib waa la iga furay waxaan go”aan saday inaan guursan oo aan nin iyo dhibkiis iska daayo waan xanuunsaday habeen iyo maalin waan xanuunsanahay meel kastana waa la iga hayaa waxaan u tagay dhakhaatiir badan kharash badan kadib waxba way iga sheegi waayeen waan fakaraa marar badan waxaa igu soo dhacda inaan guursado laakiin waxaan soo xasuustaa rafaadkii uu kii igu reebay waxaad codsanayaa in la ila taliyo. mahadsanidin”

Talo celin bahda daajis.com ay u jeedinayso gabadhaan

Waxaan kugula talin lahayn, hadii aad awoodo inaad ka aag badalato meesha lagugu furay aad bay ufiican tahay, sidoo kale isku day inaad guursato nin ku qanciya, ha dooran mid kii oo kale ah, waxaad badisaa akhrinta quraanka, ugu yaraan maalintii labo juz, waxaad akhrisataa adkaarka labada gelin, waxaad badelaysaa go’aanka khaldan ee aad ku diiday guurka, hadii aad guur ka maaranto hooyadaa ayaa ka maarmi lahayd, waxaan kuu rajaynayaa wanaag iyo kheyr badan.

Hadaba akhiristoow adiguna maxaad kula talin lahayd gabadhaan walaasheen ah??

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada