Gabdhaha Muqdisho oo Arin Layaab leh lasoo baxay Akhriso

Gabdhaha Muqdisho oo Arin Layaab leh lasoo baxay Akhriso

daajis.com:-Dhowr sano ka hor jawigii Muqdisho iyo sanadkaan aynu ku jirno 2013 waxaa si aad ah isku badalay dhankaa iyo Haasaawihii Jaceylka waxaana markii hore Jaceylka uu ku dhisnaa mid qeybo badan leh .

Hablaha reer Muqdisho labo sano ka hor waxaa ay qiimeyn jireen Jaceylka dhabta ah hadii uu ninka yahay Shiid ama waxba heysan balse ay eegan jireen jaceylka lixaadka leh oo ay ninkaasi u qabto.

Hayee shee sanadkaan ayno ku jirno iyo kii aan ka soo gudubnay dabayaaqadiisii 2012 waxaa halmar isbadalay oo Taayaradii laga Banjariyay jaceylkii shiidka ahaa iyadoona Haweeneydii Jaceylka idinka dhaxeeyay Shiidkana kugu jecleyd ay iminka ku weydiineyso in aad gaari gadatay oo aad ku wad wadi karto xili kasto oo ay kuu baahato.

Hablaha reer Muqdisho ayaa waqtigaan waxaa ay ka siman yihiin in ay la Haasawaan raga ay jeebkoodu buuxaan kuna socda gawaarida nuuca raaxada iyadoona markaasi ku dooqaneysa kista uu heesto iyo gaariga cad ee uu leeyahay.
Ragii reer Muqdisho kuwoodii iska tabarta yaraa balse labo sano ka hor jawigooda caadiga iska ahaa ayaa labadii lugood laga banjirayay waxaana xiligaan aysan heysan hal Dumar ah oo ay la haasaawaan marka laga reebo hablo lagu sheegay in ay yihiin kuwa aanan il bixin ama reer Baadiyo ah.

Musiibadaan ku habsatay Jaceylkii shiidka ahaa ayaa dusha looga tuuray in ay ka dambeeyaan Qurba joogta Soomaalida ee iminka ku sugan Muqdisho kuwaasi oo markii ay yimaadaan wada iibsaday gawaarida nuuca raaxada kuwooda ugu qaalisan.

Dhibaatadii ugu darneyd ee soo wajahday ragii hore ee reer Muqdisho markii ay sheekadu noqotay gaari Cad Maleedahay ayaa mid kamid ah Wiilasha dhalinyarada ah ee Muqdisho ku sugan waxaa uu qudheyda ii sheegay in Haweeney uu Jeclaa ayno ku heshiiyeen in ay is guursaan uu ka boobay nin Qurba joog ah oo Muqdisho ku sugan kaasi oo leh laba gaari oo nuuca raaxad ah oo midi uu yahay midka ay Hablaha jecel yihiin.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada