Kenya oo Kismaayo soo gaarsiisay Hub noocyo badan ka kooban iyo Faah Faahin laga helayo Cida loo wado Hubkaasi

Kenya oo Kismaayo soo gaarsiisay Hub noocyo badan ka kooban iyo Faah Faahin laga helayo Cida loo wado Hubkaasi

daajis.com:-Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Dowlada Kenya ay Hub badan soo galisay Magaallada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose xili xiisado siyaasadeed oo cirka isku shareeray Halkaasi ka jiraan..

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Hubka laga soo dejiyay Markab laga leeyahay Kenya, iyadoona xiliga Hubkaasi la dajinaayay la istaajiyay Hawlaha Xeebta KIsmaayo ka socday.

Sidoo kale, Xogta ayaa sheegeysa in Hubka uu ka koobnaa Noocyo badan iyo waliba Gawaari Cabdi bile oo furfurnaa kuwaasoo Ujeedka looga dajiyay Kismaayo ay tahay in lagu huriyo Qalalaasaha Siyaasadeed ee muddooyinkaani ka taagan Kismaayo.

Kenya ayaan la garaneynin Siyaasadda ay ka damacsan tahay Magaallada Kismaayo, iyadoona ku heysaa Faragalin dhowr nooc ka kooban haba ugu badnaatee Faragalin Siyaasadeed iyadoona lagu xanto in dhinac gaar ah la safantahay.

Shalay ayaa aheyd markii uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta Munaasabadii 50-guuradda kasoo wareegatay markii la aasaasay Midowga Africa ee ka dhacday Magaallada Addis Ababa ka sheegay inay faraha kala baxeyso Arrimaha Kismaayo, isla markaana sheegay in Xukuumadda Somalia ay ka caawineyso dhanka Ammaanka Kismaayo.

Si kastaba ha ahaatee, Markabka laga dajiyay Hubka ee Kenya ayaa waxa uu waday hub Dowladda Kenya ay ugu talla gashay Ururka Raaskambooni oo uu Hoggaanka u haayo Sheikh Axmed Madoobe oo Muddooyinkaani Dagaal kula jiro Xukuumadda Somalia.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada