Qeybtii 2-aad Qisadii Ceyni “Gurigeena Ayuu Ku Noolaa Oo Waxaa Dhalay Adeer Daganaa Baadiyaha”

Qeybtii 2-aad Qisadii Ceyni “Gurigeena Ayuu Ku Noolaa Oo Waxaa Dhalay Adeer Daganaa Baadiyaha”

daajis.com:-Ceyni oo aad iyo aad u daneeyneeyso aragti kalinimo ee bashiir ayaa ka timid iskuulka waxaana sidii caadada aheed lagu wada kulmey qolka fadhiga maanta waxaa maqan aabo oo xaafada waxaa joogo hooyo & caruurta ceyni waxa aay dooneeysaa anbaqaadka sahankeedi iyo su,aalaheedi ku saabsana barashada miyiga.

Waqti kooban oo aay heshay waxa aay dhowr su,aalood ku waydiisey bashiir waxuuna si hagar la,aan ah uga haqab tirey jawaabahii ayadooo ebed markii ugu horeeysey la dhoola cadeyneysa haasaawaha kooba ee dhax maraya ayada iyo bashiir, biloowga wanaagsan iyo is barashada cusub ayaana halkaa ka suura gashay ceyni iyo bashiirna waxaa lagu xasuustaa in aay ahaayeen walaalo aad iskugu wanaagsan aadna u ah saaxiibo.
Waqtigu waxuu sidaa ahaadaba waxaa soo dhax galay sadaxeeye kaas oo ahaa dareen ugub ah oo fara kulul saarey ceyni waxeeyna kaga dhacdey wiilkii adeerkeed masana aay meel ku wada noolaayeen ee bashiir !! dabcan waxa uu kaamilay baahidii iyo dooqii aay ayaamahaanba baadi goobka ugu jirtay ceyni asagoo heley ama kasbaday inuu jaceyl daran ku abuurey ceyni oo aheed gabdhii uu dhalay adeerkiisa islana noolaayeen.
Muddo ayeey ceyni isku deyeeysaa inaay ka baxsato jaceylkan hareeyey laakin way u suura gali waysay oo horey ayaa loo waayey qof gala bad weynta jaceyl ee hadan uga baxsada caafimaad waxeyna dhax dabaalataa mawjadu kale duwan ee diiwaankoodu yahay “waxaan ahay ruux bad qabo, hadana bukka oon ladneyn”. !!
Ku dhawaad waqti iyo waayo aaysan soo qorin cadadkooda ceyni waxaa haayey jaceylkii waxeeyna mar waliba daawataa muuqa,hadalka, dhaq dhaqaaqa iyo waliba daganaanta hadal ee rabbi ku maneeystay bashiir waxuuna dhamaantood sii huriyaa dareen caashaq, tallow bashiir wax ma la og yahay ceyni. ??
Bashiir ila haatan wax jaceyl la yiraahdo waqti uma haayo waayo waa shaqsi aan ogeyn goorta la dhahi karo naga tag, waxaana intaas sii dheer inuusan taxadar iyo dayreel gaar ah siinin ceyni waayo waxuu ogaa hadii lagu arko arimaha la xariiro haasaawe gaar ah inuuba wayn karo mustabalkiisa asagoo dib loogu celin karo halkii uu ka yimid ee baadiya aheed sidaa darteed waxuu ahaa mid ka fogaado ka war goobaha ceyni jogto.
Bashiir oo booska walaaltinimo buuuxniya maaalmaha qaar waxa uu ceyni u sheegaa sirtiisa asagoo uga hadlo arimo fara badan sida gabdhaha aay wada haasaawaan balse hadalkaasi waxuu hoodin iyo waran ku noqdaa ceyni oo aad dareemi kartaan hadii ruux aad jecleed kaaga sheekeeyo amuuro la xariiro jaceyl kale.
Muddo iyo maalmo xanuunkooda lahaa kadib maalin maalmaha ka mid ah bashiir iyo ceyni waxa aay issu raaceen magaalada waxeeyna heshey fursad dahabi ah oo aay mar kale uga xog wareysan doonto arimahiisa la xariira haasaawaha dumarka waxa aya go,aan ku gaartay hadi uu ka dhawaajiyo inuu heley qof aay xariir wadaagan in aay la laabaro araajideeda, haduu uu wali booska banaan yahayna aaysan cidi kaga hor marin.
Su,aalahii aay waydiisey bashiir waxa uu ugu jawaabey qaabkii ceyni aay dooneeysey waxuuna qalbigeeda ka furey albaab leydh wata waxeyna si kaftan ku jiro u tiri Alla aboowe hadii anigaba aan ku jeclaan lahaa oo aan sida dumarkaa kuu soo dhiiban lahaa arji maxaad fali laheed waa iga su,aale bashiir ? waa su,aal sahan ku laran yahay waana meelaha ugu badan ee dadku ku bariiqdo meeshaan oo kale maxaa yeeleu waa su,aal laba af soo seef ah wadata, bal aan ka war sugno jawaabta uu dhab ahaan baxin doono bashiir iyo side tahay.
Bashiir waxa uu ku jawaabey abaayo xaqiiqdu waxa aay tahay in aanan araajida uga tagin daadis iyo is yeel eyelid ee waa inaanan maanta iyo bari iyo wax u dhawba aanan diyaar u aheyn haasaawe jaceyl iyo boogisa waxuu u raaciyey ceyni adiguba waad og tahay wadada isugeeysa iyo waalidkeeyga meesha aay joogaan sida darteed macula tahay in aay maanta oo kale igu haboon tahay inaan kasoo muuqdo goobaha jaceylka. ? ?
Ceyni oo dooda iyo jawaabta bashiir uga baxdey jawaab macaan oo sii laba jibaartay jaceylkeeda waxa aay haatan ogtahay inuu bashiir leeyahay hami aduun uusan una soo jeedin jaceyl laakin waxa aay mar kale waydiisey bashiir kawaran aboowe hadii aad hesho qof intaas ku sugi doonta oo maa;inkaad wax qabsato kuu ah diyaar iyo inaad dadab wadaagtaan maxaad ugu jawaabi laheed abooowe, ? bashiiir ayaa hadana mar kale ku jawaabey sidaan abaayo aad beey u adagn tahay in la helo qof ceynkaas ah maanta iyo dunida aanu joognaba waxaan oran lahaana hada ma dhahi karo waayo imaba hor joogto qofka nuucaas ah laakin waxan hubaa inaanan siyeen qofka nuucaas jawaab qalafsan waayo qofka sabarka badana ayaa aduunyad u fiican.
Qeybtii 2aad ee qisadii Ceyni oo aan ugu magac darney “Gurigeena Ayuu Ku Noolaana” Isbuucaan intaas ha inoo joogto inta aan kulmi doona isbuuca xiga hadii Alle Swt Idmo “WaaSuge” oo idin leh Nabaadiino.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada