Qofkii Jaceyl kuu sheegta adigoo Xariir kale leh Sidaan samee.

Qofkii Jaceyl kuu sheegta adigoo Xariir kale leh Sidaan samee.

daajis.com:-Waa muhiin in aad mar walbo dhowrtaa niyada qofka adiga ku jecel xitaa haddii aadan jecleyn waxaa lama huraan ah in aad daganaan badan u muujiso isla markaan aad hab wanaagsan u qanciso .

Waxaa laga yabaa in qof jaceyl kuu qaado adigoo balan la dhigtay ruux kale isla markaana aad is jeceshihiin xiligaas asaga ah way kuu cadahay in aadan qaabili karin qofkaan jaceylkiisa laga soo hor maray lakiin daajis waxay ka codsaneysansaa in aadan marna qalbigiisa dhaawicin oo aad qaadato talooyinka soo ay ku siineyso .

1- iska jir in aad been niyada ugu dhisto kana taxadar inaad been ugu sheegto si aad u maaweliso waayo qalbigiisa ayaad kusii fogaan doontaa waxa uuna kuu fahmi doonaa hadhaw qof qiyaanay .

2- Maya toos ah jawaab ha uga dhigin ee isticmaal maskax dagan horayna ha uga sheegin in aad ruux kale balanteen waayo waxaa suura gal ah in isla markaas muraayada qalbiga wax ka gaaraan .

3- u sheeg wanaagiisa iyo qiimeynta aad u heyso adigoo si dad ban u dareen siinaayo in aad aqbali
karin jaceylkiisa .

4- kulankiinaas ku dhamee adiga oo aan wax jawaab cad ah siin kuna dadaal sida aad ku macsalaameyn lahayd asagoo aan ka xumaaan .

5- Maalmo ka qari aragaaga si uu fursad ugu helo in uu qiimeyo sarbeebtii aad u dhiibtay iyo weliba maqnaashaha aad asaga ka dhuumatay .

6- kulankiina xiga si kaftan ah ugu sheeg in qof aad wax meel wada dhigateen uu jiro isla markaana aad is jeceshihiin .

7 รข€“ ugu niyad dhis in haddii aadan balantaas qaadi lahayn aad maanta nasiib lahaan lahayd oo qofkan qaaliga ah heli lahayd una muuji in aad ka xuntahay in fursadaas ku dhaafto .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada