Ha i Dayicine i Daryeel Qalinkii Faadumo A Geedi

Ha i Dayicine i Daryeel Qalinkii Faadumo A Geedi

daajis.com:- Mahad oo dhami waxay u sugnaatay ALLAH nabad iyo naxariisna korkiisa ha ahaato nabigeena muxammed iyo intii raacdee rumaysay Waxaa igu kalifay inaan qoro maqaalkaan markaan arkay dayaca iyo darxumada heysata dumarka soomaaliyeed wuxuuna maqaalkani si toos ah ugu socdaa ragga soomaaliyeed oo sanooyinka ka maqan xaasaskooda.

Ninyahow xaaskaada waa amaano Allah qoorta kuu suray imisa sano ayaad ka maqan tahay ma is weydiisay xaalada nafsiyan ee ay xaaskaada ku sugan tahay?

Waxaa laga yaabaa inaad iska guursatid sidaana ku haqab tirtid baahidaada jisiyadeed.

Adigoo marmarsiiyo ka dhiganaya ma adkaysan karo!!!
Aan su,aal ku weydiiyee xaaskaadu ma bir baa? Maxaa iyada ka qaaday dareenkii?

Ma isweydiisay inta jeer ay habeenkii kolba dhinac u rogmato sariirtiina ayba debacday jiiqjiiqna ku hayso!!!

Ninyahoow Allah ka cabso xaqana iska ilaali waxaa laga yaabaa inaad tidhaahdo waan u soo shaqeynayaa ma xuma taasi laakiin waqti cayiman ayaa lagaa doonayaa.

Cumar binu khadaab Allaha ka raalli noqdee raggii jihaadka ku maqnaa ayuu amar ku siiyay inaysan xaasaskooda ka maqnaan Karin afar bilood ka dib markuu maqlay haweenay goor habeen ah ku calaacaleysa WAXAA IGU DHEERAADAY HABEENKII NIN LALA CIYAARANA MALEH HADAANAN ALLAH KA CABSANEYN OO XISHOODKA WAX KU ILAALINEYN CAAWA SARIIRTAAN DHINACEEDA WUU GILGILAN LAHAA!
Cumar Allah ka raalli noqdee markuu intaa maqlay ayuu aroortii ku kallahay gabadhiisa xafsa Allaha ka raalli noqdee markaasuu ku yidhi iiga waran intay naagta ninkeeda moogaan karto?

Markaasay tidhi ma adigoo aabahay ah ayaad su.aashaa I weydiinaysaa! Markaasuu yidhi hadaanan dooneyn inaan dadka faro kuma weydiiyeen markaasay tidhi afar ilaa lix bilood riwaayad kalena waxay sheegaysaa inay tidhi saddex ilaa afar bilood markaasuu cumar mujaahidiintii amar ku siiyay inaysan xaasaskooda wax ka badan afar bilood ka maqnaan Karin iyadoo ay ku jidho bil soo socod iyo bil sii socod waayo gaadiid ma laheyn.

Hadaba walaalkeyga qiimaha badanoow xaaskaaga xishood baa xakameeyn ma heysato amiir ay u dacwooto waa inay iska qarsataa iyadoo calool xumo ay ku heyso wehel la.aanta ileyn wehelkaada dheeraada welwel iyo walbahaar kaama dhamaadee dumarka in Allah u naxariistay mooyee xaalkooda Allaa og!
Walaalkeyga muslimmka ahoow ha dayacine xaaskaada dib ugu soo noqo deeqda daayin baa bixiyee derajo aakhiro ayaa ka door roon duniyo deeqa dulmar iyo duceysan intuba wey dayacan yihiine daahiroow duco qabe dib u soo noqo xaaskaada la damaashaad..

Waxaan halkan hambalyo iyo salaam kal yo laab ah u dirayaa ragga ka soo baxay waajibkoodii iyo xaqqii ay ku lahaayeen xaasaskooda kana haqab tiray baahidooda jinsiyadeed sidaana ku damiyay dabkii fidnada iyo zinada Allaan ka magan galnaye..

Walaashiin ummu abdullaziz .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada