Howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen ciiidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo ka dhacay magaalada Beledweyne+(Sawiro)

Howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen ciiidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo ka dhacay magaalada Beledweyne+(Sawiro)

daajis.com:- Howlgal lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu ballaarnaa oo ay si wadajir ah uga fuliyaan magaalada Beledweyne ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo qabqabtay dad haystay waxyaalaha qaraxa.
Saqdii dhexe ee xalay ayaa howlgalkan waxa uu ka bilowday xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne waxaana la xiray wadooyinka waaweyn ee magaalada iyadoo dadka lagu baarayay meel walba oo ay joogaan ciidamada.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Beledweyne intii uu socday howlgalkan ayaa lagu soo qabtay lix ruux oo ay labo ka mid ah haysatay waxyaalaha qarxa.

Guddomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdi Faarax laqanyo oo lahadlay warbahinta ayaa shegay in ay heleen xog ku saabsan in rag ka tirsan ALshabaab ay soo galeen gudaha magaalada Beledweyne sidaa darteedna bilaabeen howlgalkan .

Howlgakan ayaa ah kii ugu horeyay   oo ay si wadajir ah  u sameeyaan  ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlda Somalia ee kusugan magaalada Beledweyne.   isticmaalo qaraxyada sida uu hadalka u dhigay.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa xaafada Howlwadaag ee ku taal dhinaca Galbeed ee magaalada Beledweyne waxaa ka dhacayay qaraxyo loo adeegsaday bambada gacanta laga tuuro.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com










Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada