Howlgalo dad badan lagu soo qab qabtay oo ciidamada dowladda ka sameeyeen Jowhar, kadib dilkii

Howlgalo dad badan lagu soo qab qabtay oo ciidamada dowladda ka sameeyeen Jowhar, kadib dilkii

daajis.com:-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in howl galo ciidamada dowladda xalay ka sameeyeen Xaafadaha magaalada ay ku soo qabteen dad ku dhow boqol ruux.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay markii xalay fiidkii bartamaha magaalada lagu dilay Gudoomiyihii Xaafada Hantiwadaag Xuseen Jicib, kaasoo rag bastoolado ku hubeysan ay toogteen.

Ciidamada dowladda ayaa guryaha kala soo baxay dhalinyaro iyo dad da'a ah, kuwaasoo ka ag dhowaa halkii dilka ka dhacay, iyadoo xalay ku dhowaad 70-meeyo ruux ay ku hoydeen Xabsiga.

Wararka ayaa sheegaya in dadka la xir xiray ay ku jireen Ganacsato magaalada aad looga yaqaano, inkastoo maamulka gobolka uu sheegay inuu baaritaan sameynayo.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Shabellaha Dhexe Cali Ciileey ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilkaas, isagoo tilmaamay inay ku raad-joogeen kooxihii dilka ka dambeeyay, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay ammaanka kala shaqeeyaan.

Mas'uulkan xalay lagu dilay magaalada Jowhar ayaa horay uga bad baaday weerar bambaano oo xafiiskeeda lagula eegtay, kaasoo ay ku dhaawacmeen labo askari, waxaana uu noqonayaa mas'uulkii u horeeyay ee gudoomiyeyaasha xaafadaha Jowhar oo lagu dilo magaalada.

Magaalada Jowhar ayaan laheyn ciidamo boolis ah, taas ayaana loo sababeynaya in ciidamada Milateriga oo ah ciidamada kaliya ee jooga in ay ammaanka wax ka qaban waayeen, sidoo kale Gudoomiyeyaasha Xaafadaha ayaan laheyn wax ilaalo ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada