Marouane Fellaini Oo Albaabada Ka Xirtay Kooxaha Doonaya Saxiixiisa .

Marouane Fellaini Oo Albaabada Ka Xirtay Kooxaha Doonaya Saxiixiisa .

daajis.com:-Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Everton Marouane Fellaini ayaa albaabada ka xirtay kooxaha doonaya in ay xagaagaan helaan saxiixiisa, waxa uu carabka ku adkeeyay in uu baaqi ku yahay kooxda inkastoo tababarihiisa David Moyes uu u wareegay Man United.

Wargeyska Mirror ayuu laacibkaan Marouane Fellaini ka yiri ” aayaheyga waa kooxda Everton ”
” Bixitaanka David Moyes wax is badel ah iguma keenayo , kaliya waxaan doonayaa in aan la sii qabsado kooxda Everton” ayuu sii raaciyay Marouane Fellaini.

Mar wax laga weydiiyay in David Moyes uu ka codsaday in uu u sii raaco Man United ayuu Marouane Fellaini yiri ” iima uusan sheegin in uu doonayo in Man United uu ii kaxeeyo , kaliya waa wararka saxaafadda iska qorayeen” .
Waxaa xusid mudan in Marouane Fellaini uu ku biiray Everton xagaagii 2008-da isaga oo ka yimid kooxda Standard de Liège ee Belgian waxa uuna xagaagii hore u dhaliyay Everton 11-gool, waxaa laacibkaan si weyn loola xariirinayay kooxda Man United xittaa ka hor Moyes.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada