Jose Mourinho Oo Garsoorihii Ciyaartii Xalay Ku Yiri “Orad Oo La Dabaal Deg Atletico Madrid”.

Jose Mourinho Oo Garsoorihii Ciyaartii Xalay Ku Yiri “Orad Oo La Dabaal Deg Atletico Madrid”.

daajis.com:-Channel-ka Marca Tv ee dalka Spain ayaa sheegaya in tababaraha Real Madrid Jose Mourinho uu ku sugay garsoorihii hayay ciyaartii xalay Clos Gómez qolka dhar badalashada iyadoo ka dib uu la furay hadal , waxa uuna u jeediyay eedeymo ah in uu qeyb ka ahaa wax yaabaha keenay guul darada Real.

 
Wargeyska Sport ayaa qoraya isaga oo soo xiganaya Channel-kaas in Moiurinho uu ku yiri garsoorahaas garoonka ka saaray ” Orad oo la dabaal deg Atletico Madrid”.

Clos Gómez ayaa faafin warkaas oo aan ku darin warbixintiisa ciyaarta isaga oo kaliya ku soo koobay in sababta uu u eriyay Jose ay tahay isaga oo mar waliba ka soo horjeeday go`aanada garoosaraha oo uu gacmaha si joogta ah ugu soo taagayay. 

Dhanka kale Ronaldo iyo Jose Mourinho ayaa diiday xalay in ay qaataan biladdihii ay lahaayeen ka dib ciyaarta iyadoo Ronaldo xalay uu qaatay kaarkii casaanka ee sedexaad tan iyo markii uu yimid kooxda Real Madrid.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada