Russia oo Gantaalo Casri ah Siisay Syria

Russia oo Gantaalo Casri ah Siisay Syria

daajis.com:-Sarkaal sare oo ka tirsan Milatariga Mareykanka ayaa ku tilmaamay shixnad gantaala ah oo Rusia ay u dirtay Syria mid ku soo beegmay waqti xun nasiib darana ah.
 
Gudoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada Mareykanka, General, General Martin Dempsey, ayaa sheegay arbacadii shalay in gantaalahan ay geesinimo gelin doonaan Madaxweyne Asad isla markaana ay sii daba dheereyn karaan rafaadka ka taagan Suuriya.
 
Waxa uu sheegay in Mr. Assad laga yaabo inuu ku fekerayo in gantaalahaasi ay si un uga dhigi karaan mid ku sii dhiirada xasuuqa uu ka wado Suuriya iyo in xukunka uu ku sii dhegenaado.
 
Wargeyska The New York Times ayaa sheegay in Gantaalaha oo nooca Cruiska ee maraakiibta lagula diriro ah ay yihiin kuwo ka casrisan hubkii ay Raashiya horey u siisay Suuriya.
 
Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay fulineyso heshiis dhinaca hubka ah oo ay horey ula gashay Syria, isla markaana aysan dan ka laheyn Mr. Asad oo xukunka sii heysta.
 
Dowladdaha Ruushka iyo Mareykanka ayaa ka wada shaqeynaya sidii ay isula meel dhigi lahaayeen shir caalami ah oo nabadeed arimaha Suuriya laga yeesho bisha soo socota.
 
Kulankaasi ayaa isu keeni doona Mucaaradka iyo dowladda Suuriya, isla markaana u gogol xaaraya dhismaha dowlad cusub oo ku meel gaar ah.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada