Kuuriyada Woqooyi oo Gantay Seddex Gantaal Taloow Yay ku Ridey..??

Kuuriyada Woqooyi oo Gantay Seddex Gantaal Taloow Yay ku Ridey..??

daajis.com:-Wasaaradda Gaashaandhiga ee Kuuriyada Koofureed, ayaa sheegtay in Kuuriyada woqooyi ay seddex gantaal oo kuwa riddada gaaban ah ku gantay Badda Bari tasoo loo yaqaan Badda Japan, waxaana ay tijaabadani qayb ka tahay sida muuqata dhoolatuska milateri ee Kuuriyada Woqooyi.

Wasaaradda ayaa intaa ku dartay inay ogaatay in labada gantaal la ganay subaxnimadii Sabtidan maanta ah, halka gantaalka kalena ay kuuriyada woqooyi ridday gelinkii danbe ee isla maanta.

Saraakiisha Kuuriyada Koofureed ayaa sheegay in aaney caddeyn ujeedada ay Kuuriyada Woqooyi u qaadday talaabadan.

Kuuriyada Woqooyi ayaa si joogta ah u tijaabisa gantaalaha ridada gaaban ee nuucaan oo kale ah, taasoo qeyb ka ah dadaalka ay ku hormarineyso cududdeeda.

Rididda gantaalahan ayaa imaaneysa waqti ay aad u kacsan tahay xiisadda u dhaxeysa labada Kuuriya.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada