Maalinta saxaafada caalamka oo laga xusay magaalada Muqdisho

Maalinta saxaafada caalamka oo laga xusay magaalada Muqdisho


daajis.com:-Munaasabad lagu xusayay maalinta madaxbanaanida saxaafada caalamka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabadan oo ay soo qabanqaabisay ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay wasaarada warfaafinta,weriyaal iyo marti sharaf kale.


Xoghayaha guud ee ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed C/saaq Maxamed Bakistaan ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadan waxa uu ka waramay tacadiyada loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed,waxana uu xoghayaha ururka saxafiyiinta uu guul ku tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii geystay falalka dilka ah ee weriyaasha Soomaaliyeed lagula kaco maxkamad la soo taagay lana xukumay.

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdi Shakuur Cali Mire oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay ka hor tageyso dilalka iyo xad gudubyada loo geysto wariyayaasha Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in xukuumadda aysan ka hari doonin daba galna ku sameyn doonto dadka ugaarsanaya Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada