Prof. Jawaari "Waxaan ku qasbanahay in Kenya aan ka dalbano in aysan soo fara gelin siyaasada dalka"

Prof. Jawaari "Waxaan ku qasbanahay in Kenya aan ka dalbano in aysan soo fara gelin siyaasada dalka"

daajis.com:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanada ay ka keeneen mooshin ka dhan ah ciidamada Kenya ee ku sugan Jubooyinka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Prof. Jawaari ku sheegay in Baarlamaanka oo ah hey'ada sharci dajin dalka uu ku qasban yahay in Kenya uu ka dalbado in aanu soo fara gelin siyaasada.

"Maadaama Golaha Baarlamanku yahay Hey'adda Sharci ee dalka, waxan ku qasbanahay Kenya inaa ka dalbano ineysan soo faragelin siyaasadda dalka"ayuu yiri Prof. Jawaari qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka

"Mowshin bay xildhibaanada qaranku qaarkood ka keeneen faragelinta aan wanaagsaneyn ee ciidamada Kenyaatigu ku hayaan arrimaha Jubbooyinka"ayuu sii raaciyay qoraalkiisa uu soo dhigay Twitter-ka.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dhowaan cabasho ka keenay Ciidamada Kenya ee ku sugan Jubooyinka, iyagoo ku eedeeyay in Kenya ay taageereyso dhinac gaar ah, ayna qeyb ka tahay dhibaatada Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa mar uu ka hadlayay shir madaxeedki Midowga Afrika ee Addis Ababa ka dhacay ayaa ku eedeeyay Kenya inay hareer mareen howshii loo igmaday, kadib markii ay diideen inay sugaan ammaanka wafdi Wasiiro ah oo gaaray Kismaayo, kuwaasoolagu xayiray garoonka diyaaradaha Kismaayo muddo saddex cisho ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa beryihii u dambeeyay muujineysay sida aanay ugu qanacsaneyn fara gelinta Kenya ku wado arrimaha Jubooyinka, iyadoo si dadban u taageerta Axmed Madoobe oo hogaamiya garab ka mid ah Maamulka Jubaland.

Twitter-ka Gudoomiyaha Baarlamaanka: @Somali_Speaker
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada