Qaraxyo cusub oo aan horay loo maqal nuucooda oo ay damacsanaayeen maleeshiyaadka Al Shabaab oo la ogaaday !!

Qaraxyo cusub oo aan horay loo maqal nuucooda oo ay damacsanaayeen maleeshiyaadka Al Shabaab oo la ogaaday !!

daajis.com:-Waxaa si buuxdo looga war helay Qaraxyo nuuc cusub ah oo ay kaarto ahaan damacsanaayeen maleeshiyaadka Al Shabaab oo dhoor weerar ku fashilmay kuwaas oo xitaa yareeyay Qaraxyadii is miidaaminta ahaa maadaama kuwoodii ugu dambeeyay ay ku dileen kaliyah dad badan oo rayid ah .

Ciidamada Dawlada oo ka amar qaadanaya hay´adaha amniga Qaranka ayaa bilaabay su´aalo aanan horay looga baran kuwaas oo dadka ganacsiga ama dukaamada ku leh wadooyinka waa weeyn weeydinaya cida iska leh gawaarida iyo Mootooyinka aalaaba la dhigto gidaarada Mishbiyeeriga ama wadada dhinaceeda.

Baaritaan dheer ka dib waxaa la soo ogaaday in maleeshiyaadka Al Shabaab ay Qaraxyadii ugu dambeeyay u isticmaaleen gawaari Qaraxyo laga soo buuxiyay oo la soo ag dhigay wadada dhinaceeda. Sidoo kale hay´adaha amniga Qaranka ayaa xaqiijiyay inay hayaan cadeeymo buuxo oo muujinaya Maleeshiyaadka Al Shabaab oo gawaari iyo Mootooyin qaraxyo laga soo buuxiyay doonaya in ay dhigaan meelo ku dhaw wadooyinka muhiimka ah si ay u qarxiyaan halkaas marka ay marayaan madaxda Dawlada ama ciidamada AMISOM .

Arinta ugu yaabka badan ayaa waxa ay noqotay ciidamada dawlada oo maalmahaan xiray wadooyin muhiim ah ayaa iminka waxa ay bilaabeen inay dad badan weey diiyaan gawaarida hor yaala goobaha ganacsigooda kuwaas oo bilaabay inay la wareegaan gaarigii la aqoon waayo ee mudo ka badan 3 cisho hor yaala halkii looga shakiyo.

Qorshaha maleeshiyaadka Al Shabaab oo iminka la fahmay waxaa sidoo kale eedeeyn kulul loo soo jeediyay warbaahinta gudaha iyo Dibada oo marka gaari wadada dhinaceeda la dhigay la qarxiyo yiraahda waxaa dhacay maanta Qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux naftiis hure ah .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada