Qiso Xanuun badan:Jirkaaga ii hibeey ayuu i dhahay hadaad i jeceshahay ana waan isku dhiibay mana i guursan!!!

Qiso Xanuun badan:Jirkaaga ii hibeey ayuu i dhahay hadaad i jeceshahay ana waan isku dhiibay mana i guursan!!!

daajis.com:-Gabadha qisadaan ku dhacday waxay naga codsatay inan magaceeda baahin maadamaa ay sumcad xumo iyo mustaqbalkeeda dambe uusan ufiicneyn.

Waxay ka dhacday magaalada Marka Cadeey ee gobolka Sh/hoose waxaana ay ku dhacday gabar 16 snao jir ahayd iyadoo sheegtay in wiil ay saaxiibo ahaayeen dhowr jeer ay ubandhigatay jaceyl ay uqaaday markii dambena uu ka aqbalay.

Gabadha da’deeda way yar tahay laakiin muuqeeda ayaa weyn maasha allah aan dhaho iyadoo sheegtay in wiilka uu soo dhaweeyey si qalbi furan ah waxaana markii dambe uu wiilkii bilaabay in gabadhii uu ka codsado jirkeeda iay uhibeyso haday jaceylkeeda uu run yahay.

“Waxaan sameyo ayaan garan waayey waxan is iri hadalada dabacsan ee kasoo burqanayey afkiisa ayaa i dhalan orgay,waxa uu ii ballan qaaday inuu i guursanayo waana isku dhiibay ayey tiri gabadhaasi”.

Bil kadib wiilkii waxaan ka dareemay isbadal markii uu gabarnimadeydii i dhaafiyey ayaa waxa uu igu yiri waxa la isiiyey gabar abtigey dhalay ee isma naqaano.

“Aad ayaan hadalkaasi uga xumaaday,cideyda waxaan u ahaa gabar,laakiin wiilkii aan jeclaa ayaa sidaas ii galay shalaayto ma fiicnee waxaan is iraahdaa hadii aad udiidi lahayd miyuu sidaas ku dhihi lahaa ayey ku calaacashay gabadha”.

Inta ay ii sheekeyneysay gabadhaasi waxa ka socday illin indhaheeda waxaana ay hadda sheegtay inay gurigooda iska joogto islamarkaana ay garoob cideeda ogeyn ay tahay iyadoo muqdisho timid ayeyna daajis uwarantay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada