Wasiiro katirsan Dowlada oo Maanta lagu bahdilay Garoonka Kismaayo caawana iyagoo careesan jiifanaya...

Wasiiro katirsan Dowlada oo Maanta lagu bahdilay Garoonka Kismaayo caawana iyagoo careesan jiifanaya...

daajis.com:-Wararka aan caawa ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in caawa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ee jiifsanayaan Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya oo Maanta gaaray Kismaayo loona diiday in gudaha u galaan Magaalada .

Wasiirada Caawa ku xayiran Garoonka Kismaayo ayaa kala ah wasiirka gaashaadhiga C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi,wasiirka wafaafinta,boostada,isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi,iyo Wasiirka Cadaalada,garsoorka iyo oowqaafta C/laahi Abyan Nuur iyo Saraakiil katirsan Ciidanka Xooga Soomaaliya.

Wasiiradan oo maanta ujeedka ee Kismaayo u gaareen ahaa in ay gudaha u galaan Magaaladaasi ayna kulamo kala duwan la qaataan Maaxweynayaasha tirada badan ee ismagacaabay balse ku fashilmay qorshahooda loona diiday in ee Kismaayo galaan.

Ciidamada Sheekh Axmed Madoobe oo kusugan Garoonka Kismaayo ayaa gabi ahaan Wasiirada Dowlada Soomaaliya kasocday u diiday in ee cagta dhaafiyaan Garoonka kuna amray in ay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho ee kasoo duuleen.

Wadahadalo sadax geesood ah ee Garoonka ku yeesheen Masuuliyiin Dowlada , Saraakiisha Ciidamada Kenya ee garoonka kusugan iyo kuwa Raaskanbooni ayaa fashimay kadib markii kooxda Raaskanbooni ku adkeesatay in Wafdiga aysan Garoonka ka gudbi Karin kana cosdadeen Ciidamada Kenya in ee wafdigan ku amraan in Muqdisho dib ugu laabtaan.

Saraakiil katirsan Ciidamada Axmed Madoobe ayaana Wasiirada ku bahdilay garoonka iyagoona kula hadlayay hadalo aan wanaagsaneyn sida in aysan aqoonsaneen wax Dowlad la yiraah ayna Dowlada Federaalka iyagu u aqoonsan yihiin in ay tahay Dowlada Muqdisho.

Wasiirada Dowlada oo iyagu markii hore ku tashtay in Magaalada Kismaayo u galbiyaan Ciidamada Kenya ee wata Magaca AMISOM ayaa arintaasi ku guul dareestay kadib markii saraakiisha Kenyanka ah Wasiirada Dowlada kasocday ku wargaliyeen in iyagu amaanka Garoonka Masuul kayihiin Kismaayana uu ka jiro Maamul sidaa darted loo baahan yahay in maamulka Axmed Madoobe ka dalbadaan codsiga ee Magaalada gudaha ugu galayaan.

Ciidamada Kenya ayaana Wasiirada katirsan Xukuumada Soomaaliya kula taliyay in aysan dhaafin Garoonka Diyaaradaha , waxa ayna ku wargaliyeen in aysan amaankooda damaanad qaadi Karin hadii Kismaayo gudaha u galaan , Hadalkaa oo shaki badan ku beeray Wasiirada katirsan Xukuumada Soomaaliya.

Wasiirada iyo Saraakiisha Dowlada Soomaaliya u dirtay Magaalada Kismaayo ayaa caawa iyaga oo careesan caawa jiifsanayaan garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo ee maanta ka dageen kadib markii ee ku hungoobeen in gudaha u galaan Magaalada loona sheegay in Kismaayo aysan Dowlda katlin ayna kataliyaan Maamulka Jubaland State.

Ma ahan markii ugu horeesay oo Madax katirsan Dowlada Soomaaliya lagu bahdilo garoonka Diyaaradaha Kimaayo loona diido in ay galaan Magaalada iyadoona Gudaha garoonka lagu xayiray madax kala duwan oo katirsan Dowlada ay ugu dambeeyeen Saraakiil katirsan Ciidanka Xooga Soomaaliyeed oo maalmahan Kismaayo ku xayirnaa.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada