daajis.com:-Gabar dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Lawra Verony, una dhalatay Ingariiska ayaa sheegtay in Quruxdeeda aadka u badan darteed ay ku qasbanaatay inay Shaqadeedii ka tagto.
Wargeyska Mirror ee Ingariiska kasoo baxa ayaa Gabadhan oo 33 jir ah wuxuu kasoo xigtay in Quruxdeeda ay u keentay Dalabyo iyo cabashooyin badan oo ay kala kulmeyso Saaxibadeeda Gabdhaha iyo Waalishaba leh ee la shaqeeya.
Gabadhan oo Jaamacadaha London iyo Bristol ka qalin jabisay ayaa xustay in Quruxda Wajigeeda iyo Timaheedaba ay dhowr jeer warer galiyeen. Taasi oo gaba gabadii ku kaliftayinay isaga tagto Shaqada, inkastoo ay heysato Shahaadada PhD-da oo Seeyniska iyo Cilmi-baarista Caafimaadka ay ka qaadatay.
Quruxleydan Dhalinyarada ah ayaa ku qasbanaatay inay Guriga Waalidkeed iska joogto, maadaama Saaxibadeeda Shaqada aanay eegeyn isku filnaanteeda Xirfadeed iyo awoodeeda Cilmi-baarineed.
Waxay intaa raacisay inay iyadu Dhambaallo iyo Hadiyado badan ka heli jirtay Ragga Xafiiska kala shaqeeya.
Balse Xiriirka ay Gabdhaha Xafiiska la jooga la lahayd ayaa ahaa mid aad u xun, maxaa yeelay waxay u arkayeen Qof Quruxdeeda Dadka ku miir kicineysa, iyaguna ma ay jeclaan jirin inay la fariistaan.
Gabadhani waxay tibaaxday in Quruxdeedu ay Mushkilad ku noqotay oo Shaqadii ka ceyrisay.
Waxay iminka doonaysaa inay ka shaqeeyso Xayeeysiinta Dharka, iyadoo rajaynaysa in Quruxdeeda iyo soo jiidashadeeduba ay yaraato.
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:18 and have
, Published at